Xukuumada Somaliland ee madaxweyne Daahir Riyaale kaahin, waxay  ahayd mid ku timi xukunka doorashadii May, 2003, waqtigaa oo uu tiro codad aad u yar oo mad madaw badani ka muuqday ku guulaysatay shan sannadood hogaaminta talada dalka, isagoo  mudadaa wixii ka horeeyay

 

 

Mr. Riyaale ku xigeen u ahaa laga soo bilaabo 1997, Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Cigaal oo uu geeridiisa ka dibna xukunka sii hayay ilaa la gaadhay doorashadii madaxtooyada ee uu tirada yar ku helay.

 

 

Mr . riyaale muu ahayn nin bulshadu aqoon u leedahay ama,  inta badan  muuqaalkiisa arkeen, taas oo ay ugu wacnayd iyadoo aan xataa mudadaa uu madaxweyne xigeenka ahaa  inta  badan lagu  arag magiisa iyo muuqiisa toona saaxada warbaahinta iyo fagaarayaasha siyaasada oo magaciisa iyo muuqiisuba aad ugu yaraayeen.

Laakiin sida ay dadka siyaasada odorosa, ama axadhaa  ku tilmaamaan, Mr. riyaale maadaama uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamadii nabadsugida NSS-ta  ee dadka rayidka ah tacadiyada iyo dhibaatooyinka u geysan jiray oo  meelaha qaar looga yaqaanay cutubyada  Eyda cagaaran,( Green Dogs Battalions),  wuxuu isagoo   ka faadidaysanaya fursadaa intii uu ahaa ku xigeenka muuqaalkiisa iyo magaciisaba ka dhawray in  lagu arko, ama lagu maqlo saaxada siyaasda iyo fagaarayaasha  laysku arko.  

Mr. Rayaale markii uu isku hubsaday kursiga, wuxuu durbadiiba daaqada ka saaray balan qaadyadii uu xiligii kaanbeynka  shacbiga hortiisa kaga balan qaaday, kuwaas   oo ay ka mid  ahaayeen  inuu wax ka qabanayo musuq-maasuqa iyo caddaalad darada,   oo ahaa labada qodob ee ugu waaweyn mushkiladaha badan iyo duruufaha ku xeeran bulashada Somaliland, marka laga reebo halganka ay ugu jiraan sidii ay beesha caalamka uga heli lahaayeen aqoonsi buuxa.  Somaliland xiligaa waxay ahayd meel ku jihaysan qorshaha nidaamka geedi  socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, taas kahasab ku noqotay inay indhaha beesha caalamka iyo rayalcaamka bulshada aduunku soo jaleecaan.

Inkasta oo  Madaxweyne Rayaale ku yimi doorasho, iyadoo aanay bulshadu aqoon fiican u lahayn markii uu si dhaxal ah xukunka ula wareegay wixii ka danbeeyay geeridii madaxweyne Cigaal ilaa waqtigan aynu ku jirno talaabooyinka siyaasadeed ee uu qaaday  iyo waxyaabaha ka dhacay dalka mudadaa uu xilka hayay  waxay noqdeen  kuwo muuqaalladooda  lagu fasiri karo sida muqaalka siyaasadda kooxda Al-shabbaab ee koonfurta Soomaaliya.

Sidaa awgeed dhacdooyinka iyo qorshayaasha siyaasadeed ee bedelay muuqaalka siyaasada, xaalada amniga iyo dhaqankii siyaasadeed ee lagu bartay Somaliland mudadii ay jirtay ayaa si weyn wax isaga bedeleen intii i uu xilka hayay Madaxweyne Rayaale. Laakiin inta aynaan u gelin arrimaha iftiiminaya….. La soco……

By, Araweelo News Editor

Arta.abyan@yaahoo.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *