marwada1Hargeysa(Araweelo News Network)Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wefti balaadhan oo ay hogaaminayso ayaa

 

maanta waxa ay ka qaybgaleen xaflad balaadhan oo ka dhacday degmada Salaxlay ee Koonfurta Hawd kaga beegan Magaalada Hargeysa.

Waxaana la gaadhsiiyay dadka deegaanka Salaxley Deeq kala duwan oo ay Marwadu ku wareejisay maamulka Degmada. Xaflad loo qorsheeyay wareejinta deeqdaa kala duwan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dhakhtarka Salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay Cusbitalka deeq kala duwan oo ay ugu talo gashay in lagu kaabo hawlahaasi iyo ta Umulisooyinkaba.
Deeqdaa oo ka koobanayd qaybaha kala duwan oo ka koobnayd 50 bustaha dhaxanta ah iyo 3000 oo Dollar oo madaxweynuhu  ugu talay in lagu kaabo baahiyaha dugsiga Boodhinka ah ee degmada Salaxlay, gaadhi iyo qalab kale oo kala duwan.

Wasiiradda waxbarashada Marwo Samzam ayaa Lacagtaa oo kaash ah ku wareejiysey Ururka degmada Salaxlay ee loo yaqaan Gaaroodi.

Dhinaca kalena waxa marwada madaxweynuhu ay  Hay’adda bisha cas ka gudoontay dawooyin aad u qaali ah oo isugu jira qalabka Jiimka ee Jidh-dhiska iyo kuwa qaliinada degdega ah loo adeegsado oo loogu talo galay in dhakhtarka lagu horumariyo iyo Gaadhi Ambalac  ah oo model kiisu yahay 2013, gaadhiga oo ah mid cusub oo Hay’addu ay toos uga dalbatay shirkada baabuurta ee TOYATA dawooyinka iyo gaadhigan oo qiimahoodu uu ku joogo $79,454 lacagta dollarka ah.

Marwo Aamina waxay gaadhiga, Dawooyinka iyo qalabka ku wareejisay maamulka degmada iyo kuwa dhakhtarka oo goobjoog ahaa dhamaantood sidoo kalena waxa halkaasi hadalo mahadnaq ah ka soo jeediyey masuuliyiinta iyo madaxdhaqameedka degmada Salaxlay.

arraweelo.com@gmail.com
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *