Muqdisho(ANN)Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa Markale ku celiyay in dowladda Mareekanka ay gacan ka geysato sidii loo Fududeyn lahaa dacwada Loo haysto Ra’isal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Max’ed Cali Samatar oo dacwad

 

la xidhiidha xasuuq bini aadanimo kaga socoto maxkamad ku taal cariga maraykanka.

 

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxa uu sheegay in aanu difaaceyn kiiska loohaysto Max’ed Cali Samatar, balse waxa uu ka dhawaajiyay in Max’ed Cali Samatar uu yahay Shaqsi wax wanaagsan usoo qabtay Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu kaalin Muuqata ka ciyaaray intii uu ku jiray Siyaasadda Soomaaliya.

Ra’isal Wasaare Saacid wax uu ku dooday in Xukuumaddiisa ay tahay Xukuumad dib u heshiisiineed islamarahaantaana ay kaalin weyn ka qaadaneyso sidii dowladda Mareekanka ay u fududeyn lahayd Kiiska Max’ed Cali Samatar .

Dowladda Soomaaliya ayaa Horay dowladda Mareekanka ugu baaqday in ay Fududeyso kiiska Jeneraal Max’ed Cali Samatar, balse mareekanka ayaa ka gaabsaday dalabka dawlada Somalia. kadib markii Ha’addaha xuquuqda aadamaha iyo xarunt Cadaaladda iyo  la xisaabtanka ee dacwadaa wadaa ay si adag gaashaanka ugu dhifteen, iyagoo weliba tilmaamay in shaqsiyaad kale oo ka mdi ah dawlada Somalia iyo kuwo ku sugan meelo kale ay soo geli karaan dacwada loo haysto Cali samatar, kuwaas oo sida ay sheegeen aan sinaba uga badbaadayn xasuuqa iyo tacadiyada ay sameeyeen xiligii uu socday dagaalkii dawladii Somalia ee milateriga ahayd iyo xoogagaii SNM 1988.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *