Boosaaso(ANN) Wararka ka imanaya dhinaca magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta dagaal ku dhexmaray duleedka Boosaaso ee Buuraleyda deegaanka Gal-gala malayshiyada Sheekh Maxamed Siciid Attam iyo ciidamada maamulka Puntland oo
mudooyinkii u danbeeyay fadhiisin ciidan ka dhigtay halkaa, wixii ka danbeeyay dagaaladii labada dhinac hore ugu dhexmaray deegaanka Gal-gala.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee ka imanaya deegaanku, waxa dagaalku ka danbeeyay kadib markii malayshiyada wadaadka Sh. Attam weerar ku qaaday fadhiisin ciidamada maamulka Puntland halkaa ku lahaayeen . ma jiraan warar madaxbanaan oo kasoo baxay dagaalka, balse waxa jira warar sheegaya in dagaalka ka dhacay halkaa uu keenay dhaawac iyo dhimasho loo geystay Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee halkaas ku sugan.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Sheekh Maxamed Siciid Attam sameeyeen weerar dhinaca gudaha deegaanka ah iyo jidgooyo Buuralayda Gal-gala ah, halkaas oo sida ay wararku sheegayaan ay jidgooyadaa ku dhawaad Sadex Askari oo ku go’doonsanaa dhinaca Waqooyi ee Degmada Gal-gala ku dileen, islamarkaana ay ku dhaawaceen tiro intaa ka badan.
Dhinaca kale Wararka ka imanaya Magaaladda Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in dhaawacyo kala duwan galabta la gaadhsiiyay Cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Puntland Hospital, iyadoo dhaawacyadaa qaarkood la sheegay inay yihiin kuwo halis.
Malayshiyada Sheekh Maxamed Siciid Attam ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday halkaa weeraro gaadmo ah, kuwaas oo ay ku qaadaan Xaruumaha Ciidamada maamulka Puntland ku leeyahay Deegaanka Galgala, isla markaana waxa jira xogo sheegaya inay suurta gal tahay in maalmaha soo socda uu deegaankaa ka dhaco dagaal horle oo dhexmara labada dhinac.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Sheekh Maxamed Siciid Attam oo mudooyinkaa aan la maqal codkiisa laga maqlaay Warbaahinta, isagoo ishaaray inuu Weerar culus ku qaadi doono maalmaha soo socda Xaruumaha Ciidamada Puntland ka sameysteen Buuralayda Gal-gala.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380