Magaalada Burco waxaa 2 maalmood ka hor lagu arkay FM ta oo ka hadlaysa Radioyada yar yar iyo Mobilada gacanta, waxaa dhammaan dadka reer burco dhegaha wada gashadeen qaarna eryalka u taageen telephonedooda gacanta (Mobiles).

Dhammaan shacabka reeer Burco Dhalinyaro iyo waayeelba waxay aad ugu farxeen dhegaysiga FM ta ee magaalada Burco, iyadoo magaalada Burco aanay markii lahayn FM, iyagoo dhanka kale la yaaban calaamatu su’aal na dul dhigay halka FM tani magaalada ka soo gashay, iyagoo aan weli helin cid si faahfaahsan uga jaahil saarta uguna sheegta halka ay ka timi FM tani, iyagoo badankoodu iyagu isu jawaabaya “waar tolow FM tani xaggay inaga soo gashay? xaggaa laga furay waa yaabe?!!” “dee magaalada ayaa FM laga furay” kuwasi waxay ahaayeen Oday reer Burco ah iyo Mid ka mid ah dhalinyarada reer Burco oo isu jawaabaya isagoo odaygu la yaabanaa halkay ka timi FM tan ay dadku wada dhegaysanayaan ee mashquulisay.

“waar ka dhegayso moobilkaaga BBCda wallaahi waad ka helaysaaye, imminka daar bal dhegihi soo qaadoo geliyoo”
“waayahaye sug, wallaahi waa runtii way ka hadlaysaa oo inaadeer goormaa la furay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, walaahi haddaynu wax noqonay dee, lakin yay kaashanaysaa tolow FM tan BBC du, illee meelaha kale Setalaytyada idacadaha ayay kaa shataaye?”
” Dee Niyow anigu waxaan is idhi malaa shirkaddan cusub ee SOMTEL bay kaashanaysaa oo idiin sahashay FM tan aan hore u jirin”
Sidaasna waxa isku lahaa dhalinyaro fadhidey Goobaha dhalinyartu isugu timaado oo sheekadooduba aanay wax kale ku saabsanayn xalay, kana yaabanaa FM tan iyo halkay soo martay.

FM ta laga dhegaysanyo magaalada Burco ayaa noqonaysa mid dhiiri gelin iyo ididiilo gelinaysa dhammaan dadweynaha reer burco, oo markiii hore ka hurday dhinaca warbaahinta iyo la socodka wararka, iyadoo magaaladu ahayd magaalo u muuqatay mid la illaaway, haddana halbowle ah.

Shacabka reer Burco waayeel iyo dhalinyaroba waxay labadii maalmoodee u danbeeyey isugu bushaaraynayeen FM ta cusub, isagoo qof waliba boqollal qof oo kale sii gaadhsiinayay, kii uu ka soo hor baxona u sheegayay qaarna telephone ku garacayay si uu ugu sheego FM ta cusub.

FM ta cusub ayaan weli si toosa looga dhegaysan Radio Hargaysa halka dhammaan idaacadaha kale caadi loooga wada dhegaysanayo iyadoo dadku ay isku qabteen oo qaar leeyihin waanu ka dhegaysanay, lakin intooda badani ay dadku leeyihiin kamaanaan helin Radio hargaysa oo dadku aad ugu ooman yihiin maqalkeeda maadama ay tahay idacaaddii keli ahayd ee Dalka, lamana garanayo waxa idaacadda qaranka mar walba ka reeba miidaanka warbaahinta ee ay had iyo jeer ku loolamaan idaacadaha iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *