Berbera(ANN)Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray maxjarkii labaad ee Shirkadda ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri ka hirgelisay magaalada Berbera, kaasoo dhismihiisu muddo saddex sanno ah socday, isla markaana laga

 

yagleelay  duleedka haamaha kaydka shidaalka iyo madaarka Berbera.
Maxjarkan cusub oo ah mid ka weyn kii hore ee shirkaddu ka dhistay Berbera, ayaa si qarsoodi ah dhismihiisu u socday mudo dheer. Kadib markii  ay joojisay in goobtaa laga dhiso Maxjarkaa oo aanu ku haboonayn, balse dib loo bilaabay dhamaadkii 2010. Markii ay xubno masuuliyiin ah oo ka tisan xukuumaddu si hoose u fasaxeen, isla markaana meesha ka saareen Digreeto uu Madaxweynihii  hore Daahir Rayaale ku joojiyay.
munaasibad loo sameeyey furitaanka Maxjarkaa oo shalay lagu qabtay madasha laga dhisay waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirro ka tirsan xukuumadda, wefti ka socday shirkada GOLF International oo maamusha maxjarada Al-jabiri, masuuliyiinta Berbera, ganacsato iyo marti sharaf kale.
Furitaankii xafladdaas waxa hadal kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo sheegay inuu ku faraxsan yahay weftiga Carbeed iyo masuuliyiinta Madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminayo ee Berbera u tagay furitaanka maxjarkaasi.
Maamulaha Maxjarrada Somaliland, Khaliijka iyo Sucuudiga ee Shirkadda GOLF Xasan Khaliif Al-Xasani oo xafladaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Somaliland ka hirgeliyaan Maxjar labaad, kaas oo uu tilmaamay inuu kor u qaadi doono tirada iyo tayada xoolaha Somaliland ka dhoofaya.
Waxa kale oo Al-xasani in maxjarkan ay ka hawlgeli doonaan shaqaale badan oo reer Somaliland ah, isla markaana aanu noqon doonin kii ugu dambeeyey ee ay shirkaddoodu ka dhisto Somaliland, hase ahaatee ay wax badan oo kale qaban doonaan.
Heshiiska xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale la gashay ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri oo madmadaw badani ka muuqday, isla markaana laga qariyey in la tuso golaha wakiillada Somaliland, ayaa xilligaasi sababay muran badan oo ka dhex abuurmay ganacsatada xoolaha iyo xukuumadii Rayaale, iyada oo xisbiga KULMIYE ee haatan xilka hayaana uu xiligaasi uu mucaaridka ahaa la saftay ganacsatada wadaniga ah ee ka ganacsatada dhoofka xoolaha nool.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa soo dhaweeyey maxjarkan oo uu sheegay inuu yahay hanti Somaliland leedahay, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo heshiiska dhoofka xoolaha lagula galay ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri.
“Maxjarkani maaha mid uu leeyahay ganacsadaha Al-Jaabiri ee waa mid qaranka Somaliland leeyahay, dood dheer oo aannu wada yeelanay weftigan Carbeed ee inala jooga kadib waxaannu isla garannay in muddada Carrafada hal Doollar laga dhimo lacagta Maxjarka lagaga qaado Xoolaha dhoofaya. Waxaanannu ku heshiinnay iyada oo la tixgelinayo ummadda in dib u eegis lagu sameeyo wixii heshiisyo ah ee xukuumaddii hore la gashay Shirkadda,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.
Ugu dambayn Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa horumar ku tilmaamay dhismaha maxjarkan oo uu xusay inuu u muuqdo mid buuxinaya dhammaan baahiyihii jiray ee xoolaha dhoofayaa u baahnaayeen.
“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay oo aan hambalyeynayaa una mahadnaqayaa dedaalka badan ee ay shirkaddu samaysay sidii ay u ballaadhin lahayd ganacsiga xoolaha Somaliland ka dhoofa, waanuna soo dhawaynaynaa, maalgelintuna waa mid labada dhinacba dan ugu jirto Somaliland iyo maalgashadayaashaba Furitaanka Maxjarkan waxaan u arkaa tallaabo hore loo qaaday,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Madaxweyne Ku-xigeenku waxa ballanqaaday in xukuumadoodu diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo maalgelin ku samaynaysa Somaliland, taas oo faa’iido u soo kordhinaysa dalka iyo dadkaba.”
Inkasta oo masuuliyiinta xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo hore u sheegeen in dib u eegsi lagu samanayo heshiiskii xukuumaddii hore la gashay ganacsadahaa carbeed, isla markaana ay mar kale ku celiyeen hadalkaa furitaanka maxjarka Labaad ee laga furay Berbera, hadana  waxba kama  hirgelin arrintaa, taas oo weli laga sugayo  fulinta balanqaadyadii xiligii Ololaha ee doorashada oo xisbiga Kulmiye ku doodi jiray inuu wax ka bedelayo oo ay heshiisyadaa geyn doonaan golayaasha sharci dejinta, waxayna  taa bedelkeeda xukuumaddu ganacsadahaa Al-Jaabiri  u ogolaatay dhismaha Maxjar laga yagleelay duleedka Haamaha Shidaalka Berbera  oo ay xukuumaddii Daahir Rayaale diiday in laga dhiso goobtaa, maadaama ay goobtaasi tahay mid aan ku haboonayayn  Maxjar, isla markaana ay khatar dhinaca Caafimaadka Xoolaha keeni karto oo ay ahayd xero Milateri. Sidoo kalena ay khatar dhinaca amaanka ah ku yeelankarto Haamaha  shidaalka oo dabka ka kacaa khatar ku yahay Haamaha kaydka shidaalka iyo  sidoo kale Madaarka  oo u dhow goobtaa oo khatar ku keeni kara maadaama haadka duula ee aan laga waayin xeryaha xoolaha uu khatar gelin karo diyaaradaha fadhiisanaya, ama ka duulaya madaarka Berbera.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu xadhigga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey goobo ka mid ah Dekadda Berbera, waxaannay isaga iyo weftigiisu ka qaybgaleen xus magaalada Berbera loogu sameeyey maalinta cuntada adduunka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *