Muqdisho(ANN) Wasiirrada arrimaha dibedda iyo gaashaandhiga ee dowladda Kenya ayaa maanta booqasho ku tagay Muqdisho, waxayna kulamo kula yeesheen Villa Somalia masuuliyiinta dowladda taagta daran ee Soomaaliya. Kullamadaa  kaddib ayay saxaafadda u sheegeen in labada dhinac ay

 

ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen mid  halis ku ah  amniga Somalia iyo waliba dalka  Kenya.
Wasiirka Arrimaha Debadda ee Kenya, Moses Watangula, ayaa shalay xaqiijiyay in ciidammada dalka Kenya ay galeen gudaha dhulka Soomaaliya, wuxuuna ku macneeyay talaabadaa mid ay ku difaacayaan dalkooda oo ay kula dagaallamayaan sida uu sheegay  Al -Shabaab. Laakiin wasiirkaa oo maanta hogaaniyay wefdiga Kenya ee kulamada kula yeeshay Masuuliyiinta dawladda taagta daran magaalada Muqdisho, waxay   Labada dhinacba  beeniyeen in ciidamo ka socda Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, balse waxay xuseen in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu soo tababaray Kenya ay yihiin kuwa haatan dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab ee deeggaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Dhinaca kale Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maanta lagu qarxiyay duleedka dhismaha wasaaradii hore ee arrimaha debeda oo dib u habayn lagu sameeyay. Kadib markii Qof naftii hure ahi u adeegsaday  baabuurkaa inuu  isku qarxiyo. Qaraxaa waxa ku  dhintay ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay, kow iyo toban kalena way  dhaawacmeen, balse waxa loo malaynayaa inay dhimashadu intaa ka badato, maadaama uu qaraxu ka dhacay goob wado laami ah oo suuq saxmad ah.
Ma jirto cid ilaa hada sheegtay inay ka danbeeyeen qaraxaa, kaas oo kusoo beegmay iyadoo wasiirada arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga ee Kenya ay wadahadalo kula lahaayeen xarunta dawladda taagta daran ee  Villa Somaaliya.
Ciidamada dalka Kenya ayaa ka talaabay oo galay gudaha Soomaaliya Axadii todobaadkan, waxayna dawladda Kenya talaabadaa ku macnasay mid ay  kula dagaalamayaan A-lshabaab oo ay ku eedeeyeen Afduubka dadka ajnabiga ah, waxayna wararka ka imanaya deegaanka Koonfurta Soomaaliya sheegayaan in Ciidamada Kenya oo taageeraya ciidamo Soomaali ah ay u sii socdaan dhinaca  Magaalada Afmadow.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa talaabada dawladda Kenya ku tilmaantay mid xad gudub ah, iyagoo ku hanjabay in aanay Kenya ka dhisnaanayn daaraha dhaadheeri oo ay weeri doonaan haddii aanay uga bixin dalkooda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *