lagu sheegay war saxaafadeed galbata kasoo baxay qasriga Madaxtooyada.
Qraalka Madaxweynaha ayaa u qoraan sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013 uu xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali,
WAXAANU MADAXWEYNUHU YIDHI:-
Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.”ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweynaha, balse laguma sheegin qoraalka sababta xilka looga qaaday Masuulkaa oo ka mid ahaa aqoonyahanada tirada yar ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku jiray, isla markaana ahaa aqoonyahan ka mid ah qurbajooga Somaliland.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com