Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad-guurada 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka
Booliska Somaliland oo sanad walba la xuso 3 Nov 2012.
sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray mashaariic Dhismayaal loo sameeyay laanta socdaalka Somaliland, Ciidanka Burmadka, isla markaana dhagax dhigay mashaariic kale, kuwaas oo ay fuliyeen dawladaha Britain iyo Japan.
Dabaal-dega sanad-guuradda 19-aad ee ciidanka Booliska Somaliland waxa Madaxweynaha kala qayb galay Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socday hay’addaha wada shaqaynta la leh ciidanka Booliska iyo marti sharaf kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col. Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlay xuskaa waxa uu yidhi, “Mudane Madaxweyne, Iyadoo aynu maanta xusayno sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska tan iyo markii aynu la soo noqonay madax-banaanideena. Waxa ciidanka Boolisku soo maray marxalado kala duwan. Waxaan odhan karnaa maanta waxa uu marayaa meel aad u fiican.”
Col Fadal waxa uu sheegay in ciidanka Booliska Somaliland hadh iyo habeen u taaganyahay gudashada waajibaadka qaran, iyagoo u adeegaya bulshada si ay ugu naalooto nabad, deganaansho iyo xasilooni ku salaysan shuruucda iyo cadaalladda, wuxuuna xusay inay Boolisku hadda ka hawl-galaan 75 saldhig iyo 91 rugood oo ku kala yaala dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Gen Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayay waxa u qabsoomay Booliska sanadkan, wuxuu xusay in sanadkan siminaaro kala duwan ay soo qaateen 57 sarkaal iyo 1206 askari, kuwaas oo iskugu jiray RRU-da, SPU iyo STU.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay dayactir ku sameeyeen dhismaha Hoggaanka Birmadka ciidanka Booliska, taasi oo ay maal-gelisay dawlada UK, isla markaana ay qalabeysay.
sidoo waxa uu xusay in mudadii uu xilka lagu soo kordhiyay Booliska 17 Baabuur, kuwaas oo 13 ka mid ah ay dawlada UK ugu deeqday Booliska, isla markaana la dhisay saldhiyo dhawr ah oo ku kala yaala caasimadda iyo goboladda dalkaba, waxa kaloo uu xusay in sanadkan markii u horeysay ciidanka Booliska Hay’adda UNDP u keentay dirays isku mid ah oo dhan afar kun oo bedlodood.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay munaasibada xuska Booliska waxa uu ciidammadda ku bogaadiyay waxqabadkooda dhinaca ammaanka iyo nabad-gelyada dalka, isagoo yidhi, “Waxaan halkan Hambalyo aad iyo aad u balaadhan uga soo jeedinayaa 19 guuradii Ciidanka Booliska Somaliland hawsha baaxada balaadhan ee xilkasnimaddu ku jirto ee ay qaranka u qabtaan. Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa Ciidanka Booliska madaxdiisa iyo ciidamadaba heer walba waxyaabaha faraha badan ee ay dalka u qabtaan. Waxaanu ku hambalyaynaynaa inta aanu mashaariic saaka soo marnay ee waxqabad ah ee horumar la taaban karo ah ee ay gaadheen.” ayuu yidhi.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu balan qaaday inay wax la qaban doonaan ciidammadda Booliska, isagoo yidhi, “Annaguna waxaan balan qaadaynaa dawlad ahaan iyo madaxweyne ahaanba inaanu wixii waxtar ah iyo wax u qabasho ah inaanu la sameynayo booliska.”.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray Dhisme weyn oo loo sameeyay Laanta socdaalka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismahanaa oo dawlada Japan u hirgalisay ciidamada laanta socdaalka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa farxad ii ah inaan furo dhismahan quruxba badan ee loo dhisay laanta socdaalka Somaliland, waxaanan u mahad-naqayaa dawlada Japan oo gacan ka gaysatay dhismahan cusub, taasina waxay calaamad u tahay horumar weyn oo dalka Somaliland iyo dadkiisaba u soo hoyday.”
Taliyaha ciidamada laanta socdaalka Somaliland Col, Maxamed Yuusuf (Ina canbaro), ayaa halkaa ka hadlay ayaa Madaxwaynaha faahfaahin ka siiyay hawlaha laanta socdaalka Somaliland, waxaanu sheegay in laanta socdaalku guud ahaan xuduudaha dalka ay xafiisyo ku leeyihiin “Markii xisbiga kulmiye dalka qabsaday waxyaabaha uu balan-qaaday waxa ka mid ahaa horumarinta ciidanka socdaalka Somaliland, taas oo maanta hirgashay si fiicana u wada gaadhay dhammaan xuduudaha Somaliland, iyagga oo si fiican u kantaroola waxyaabaha soo galaya dalka iyo wixii ka baxayaba, xudduuda 120-KM ee aynu la leenahay dalka Ethiopia, 860-KM oo badda ah, madaarada iyo meelaha kale ee dalka laga soo galo dhamaantood.”
Col. Canbaro waxa uu sheegay inay qabteen tahriibayaal sifo sharci-daro ah dalka kusoo galaan, isla markaana ay hawl geliyeen laanta socdaalka ee dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka. .
Dhinaca kale Sarkaal sare oo ka socday Safaarada Japan ee dalka Kenya, ayaa gebagebadii munaasibada dhismaha laanta socdaalka xadhiga lagaga jaray ka hadlay, wuxuu sheegay inay dawlada Japan diyaar u tahay inay wax la qabato Somaliland. adlay
Gebagebadii Madaxwaynaha Somaliland, wuxuu munaasibadahaa ka dib xadhiga ka jaray dhisme cusub lagu daray xerada ciidamada Birmadka oo ay Britain maalgelisay, isagoo dhinaca kalena dhagax dhigay dhisime weyn oo dawlada Britain u dhisayso Wasaaradda arrimaha gudaha, taas oo laga dhisayo xarunta Badhasaabka Hargeysa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com