Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socday dalka Faransiiska oo socdaal rasmi ah ku yimi dalka.Madaxweynaha Somaliland wuxuu weftiga
uga waramay xaaladda guud ee Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, sidaana, waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Saddex xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminaayo Safiirka u fadhiya Dalkaas, Jamhuuriyada Jabuuti, Ambassador Rene Forceville.
Safiirka ayaa ujeedada Socdaalkooda ka waramay waxa uu sheegay in ay tahay sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee Somaliland iyo Faransiiska.
Safiirku waxa u sheegay in ay Dawladiisu danaynayso in ay Somaliland ka caawiso dhinaca horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka ah.
Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Weftiga uga waramay Xaaladda nabad-gelyo ee Dhabta ah ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa u sheegay in Somaliland ku guulaysatay Adkaynta Badda iyo Berigaba haatana ay u xaydan tahay inay ku talaabsato horumar dhan walba leh.
Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweyey imaantinka Weftiga Faransiiska waxaanu dawlada Faransiiska iyo Beesha Caalamkaba ka dalbaday in ay Somaliland ku gacan qabtaan Dedaalkeeda ay la timid.
Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire & Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamedrashiid Sheekh Xasan
Dhinaca Weftiga waxa Safiirka kulankan ku wehelinayey
1. Renu Morechaux, Director, Ministery of Defence of France
2. Alexdener Jabet, First Sect, at French Embassy in Djibouti.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com