IMG_3155.JPGHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray warlaliska weyn ee Radio Hargeysa oo 100kwt ah, taas oo laga dhagaysan karo Gobolada Somaliland iyo meelo

 

badan oo dacalada aduunka ah.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka idaacada cusub oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Warfaafinta,  iyo dhaqanka waxa kale oo ka  qeyb galay shirgudoonka labada Gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda), Wasiirro ka tirsan xukuumadda,  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo masuuliyiin ka socday ururada siyaasadda,  xisbiyada qaranka iyo marti sharaf kale.

gaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta , dhaqanka iyo wacyigelinta C/rashiid Jibriil Yuusuf oo ka hadlay furitaanka xafladaa ayaa ka hadlay baahidii qaranku u qabay idaacadda  weyn ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hirgelisay markii u horaysay Somaliland.

Agaasimaha oo ka hadlayay  idaacada Radio Hargeysa, wuxuu  sheegay in  hore looga dhagaysan jiray oo qudha nawaaxiga magaalada Hargeysa, wuxuuna   isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Madaxweyne, Idaacada Radio Hargeysa hore waxa looga dhagaysan jiray oo keliya  Magaalada Hargeysa. Maanta idaacadan cusub oo in badan la naawilayay dhammaan dacaladda dunidda oo dhan way wada gaadhay oo waa laga dhagaystay. Idaacadan oo 100Kwt ah waxaanu mudadii ay tijaabada ku jirtay tijaabinaynay 70Kw illa 80KWt. Waayo intaa ayaaba dal iyo dibadba hafisay. Markaa run ahaantii maadaama oo ay idaacadu fiday kharashka iyo miisaaniyadduba way kordhayaan, dad xirfad lehna waa loo baahanayaa.”
Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta C/rashiid Jibriil Yuusuf oo ka war-bixiyey baahiyaha weyn ee idaacada oo hadda ka dib gaadhi doonta dacalada dunida,kana hadli doonta mowjadda 41 MB.

SAWIRO (13)

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland  Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacade) oo ka hadlay xafladaa wuxuu yidhi,  “Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/10/2012-ka waa maalin weyn oo baal dahab ah ka geli doonta sooyaalka taariikheed iyo horumarineed ee Jamhuuriyada Somaliland. Waa maalin aynu ku xasuusanayno madaxweynaheena oo ka dhabeeyay balan-qaadkii uu ku balan qaaday inuu keeni doono idaacad weyn oo caalamka laga dhagaysto. Waxaanay idaacaddu ka mid ahayd balan-qaadkii uu sameeyay Madaxweynuhu xiligii uu ku jiray tartankii doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June 2010-kii.”

Wasiirka Warfaafintu wuxuu madaxweynaha ku ammaanay inuu ka dhabeeyay balan-qaadkiisii la xidhiidhay inuu dalka ka hirgelin doono idaacad weyn oo dalka oo dhan wada gaadha isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waa Markhaati ma doon in Madaxweynuhu balankaasi oofiyay, waxaana u daliil ah inaynu maanta furitaankii idaacada weyn ee Radio Hargeysa aynu halkan u fadhino. Waxaan leeyahay hawshaasi waa abaal aad u gashay ummadaada. Waana guul ILAAHAY Kuu gartay oo aan ninna kaa qaadi Karin waxaanad tahay madaxweynihii u horeeyay ee ku guulaystay inuu ummadda u dhisto idaacad weyn oo ay wada dhagaystaan. waxa kaloo amaan mudan wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo door weyn ka qaatay inay Idaacadda cusubi suurta gasho.”

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladii loo sameeyay furitaanka Idaacada cusub ee Radio Hargeysa waxa uu yidhi,  “Farxad weyn waxa ii ah maanta inaan ka soo qeyb galo Furitaanka idaacadda cusub ee Radio Hargeysa oo wada gaadhaya dunida oo dhan. Sharaf iyo qiime weyn ayay inoo tahay qaran ahaan. Radio Hargeysa waa tii taariikhdiisii laga sheekeeyay waxaan mahad balaadhan u celinayaa inta imika ka shaqaysa iyo dhammaan inta hawsha kaga jirta. Radio Hargeysa taariikhda uu leeyahay ka sakow, idaacaddu waa ka ugu saamaynta badan ama ugu waxtarka roon ee dawladi wax ku gaadhsiin karto dadkeeda iyo dunida kalena ugaga warami karto waxay qabsatay.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka waramay qiimaha Idaacaddu ugu fadhido qaranka Somaliland,  isagoo  yidhi,  “Markaa Radio-gu wuxuu inoogu fadhiyaa qiime aad iyo aad u weyn haddii ay tahay dalka iyo qadiyadeenna oo aynu dunidda ku fidino intaba.hawshaasi aynu qaran ahaan qabsanay aad iyo aad ayaan ugu bogaadinayaa dhammaan intii ka hawl gashay oo dhan.Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo.”

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda  Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Cusub ee dib u dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), waxayna labada masuul ku dheeraadeen baahida loo qabay Idaacaddaa iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la hagaajiyo barnaamijyada ka baxa Idaacadda oo aanay noqon kuwii ka bixi jiray markii laga dhegaysan jiray hargeysa oo keliya, iyagoo usoo jeediyay masuuliyiinta wasaaradda inay dadka Idaacadda wax ka sheegayaa noqdaan kuwo bulshada deegaanada bariga wax gaadhsiin kara, isla markaana fahmaya ahmiyada iyo qiimaha ay Idaacaddu leedahay.

Sidoo kale  Xaaji Cabdikariim  Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasibadaa ayaa ka sheekeeyay baahida loo qabay Idaacadda cusub, wuxuuna ku dar-daaray masuuliyiinta wasaaradda inay daboolaan baahidii bulshadu u qabtay Idaacadda cusub ee qaranka.
Munaasibada furitaanka Idaacadda cusub oo amaankeeda aad loo adkeeyay ayaa si toos ah uga socotay Radio Hargeysa iyo telefishanka qaranka oo si toos ah looga daawanayay mudadii ay socotay, iyadoo laga sheekeeyay markii u horaysay taariikhda Radio Hargeysa oo ahayd tii ugu horaysay ee xiligii mustacmarada Britain af Soomaali ku hadasha ee laga dhegeysto dhulka Soomaalida. sidoo kale waxa ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay Mijir Qaadi oo ahaa dadkii mudada dheer kasoo shaqeeyay Idaacada Radio Hargeysa, isla markaana ka mid ahaa mujaahidiintii SNM, waxayna   dhammaantood ka warameen baahida loo qabay idaacadan cusub, waxaanay tilmaameen in furitaanka iyo balaadhinta Radio Hargeysa ay tahay guul u soo hoyatay qaranka Somaliland.
Idaacadan cusub ee saaka xadhiga laga jaray  ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Caalamka oo dhan wada gaadhi doonta ee ay dawlada Somaliland yeelato, waxaana laga dhegeysan doonaan Dhulal aad u kala fog oo Caalamka ah, sida ay  sheegeen Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafintu.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *