Hargeysa(Araweelo News Network)Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa saaka gacanta ku dhigay Nin looga shakiyay inuu ka mid yahay saraakiisha sare ee Al-shabaab.
Ninkan oo aan magiciisa si rasmi ah usoo shaacbixin, ayaa

 

saaka lagu qabtay saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, weriye goobta marayay oo ka tirsan shebekada Araweelo News Network, ayaa goobta maryay markii la qabtay sarkaalkaa, wuxuuna isagoo sharaxaya wixii uu arkay yidhi, “Mar keliya ayaan ku war helay Ciidamo agagaarka Saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo aan xiligaa marayay , waxay wateen dhawr gaadhi, waxan maqlay qabta, kadibna Nin ku hadlaya Mobile smart  Phone oo gashan Khamiis , kaas oo ahaa dadiisa qiyaastoo Nin dhawr iyo afartan jir ah ayuu ahaa, waxayna markiiba ku qaateen gaadhigi  ka mid ah  gaadiidkii ay wateen,  waxayna u muuqdeen in ay daba socdeen oo lagu hagayay Satellite” ayuu yidhi.
Saraakiisha Amaanka Somaliland oo aanu isku daynay in aan wax ka weydiino Ninkaa la qabtay ayaanay noo suurta gelin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *