Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta u magcaabay masuul cusub La Taliyaha Xafiiskiisa ee Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah. Sidaana waxa lagu sheegay
war saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2414/042014 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku-qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooda Axmed Saleebaan Dhuxul.