Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ka maqnaa mudo Afar todobaad ah. Kadib markii uu dhamadkii Oct 2011, safar uu ujeedadiisa ku macneeyay mid uu dalka Britain ku qaadanayo fasaxiisa Dastuuriga ah kaga maqnaa dalka ayaa Isniintii 28 Nov, 2011, kusoo gurya noqday dalka, isagoo
booqashadiisa London ee cariga Ingiriiska ka sokow soo maray dalalka Ethiopia iyo Djibouti, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Madaxda wadamadaa.
Madaxweyne Siilaanyo oo safarkiisa ay ku weheliyeen Marwadiisa iyo Wasiirkiisa Arrimaha Debeda ayaa ka hor intii aan dalka ka bixin Octoobartii lasoo dhaafay ku sheegay mid aanay ahmiyadiisu ahayn hawlo shaqo, balse uu yahay safarkaasi mid fasaxiisa Dastuurku siinayo ee bisha ah, laakiin wuxuu xusay inay kolayba jirayaan hawlo shaqo iyo kulamo uu la yeelayano masuuliyiinta dalka Britain, Bulshada Somaliland eek u dhaqan halkaa iyo dabcan wadamada uu sii marayo ee Ethiopia Iyo Djibouti.
Inkasta Madaxweyne Siilaanyo sidaa u fasiray socdaalkiisa, hadana waxa durbadiiba soo baxay tibaaxo si hoose usoo baxay oo tilmaamayay ujeedada dhabta ah ee safarka Madaxweynaha oo lagu macneeyay inaanay ahayn nasasho keliya, balse ay ahmiyada ugu weyni tahay sidii uu fursad ugu heli lahaa qiimayn uu ku sameeyo xukuumaddiisa sanadka iyo dhawrka bilood jirtay, isagoo dib u eegaya masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee uu xilka u magcaabay oo aanu intooda baddan aqoon baddan u lahayn, balse uu qiimeeyo mudadaa ay xukuumaddiisu jirtay wasaarad walba iyo Hay’add walba iyo masuulka uu u magcaabay.
Qorshaha Madaxweyne Siilaanyo ee qiimaynta xukuumaddiisa ayaa tibaaxaha laga helay sheegayaan inuu ka danbeeyay. Kadib markii ay dib u dhacday isku shaandhayn weyn oo la filayay inuu sameeyo bishii August ee 2011, taas uu fursad u waayay inuu si balaadhan u naaqisho masuuliyiinta xukuumadda ee uu xilalka kala duwan u magcaabay oo marka ay maqlaan xoggaha iyo tibaaxaha la xidhiidha arrimahaa mashquuliya xafiiska Madaxweyna iyo madaxtooyada, ama sameeya dhaqdhaaqyo hoose oo kaanbayn ah, kuwaas oo qalindaara qorshaha iyo ujeedada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ku khasbay inuu foodsaaro ka dhigto fasaxa uu qaatay ee maraya 27 caanamaal, kaas oo intiisa baddan uu ku joogay London, isagoo sida ay tibaaxaha kasoo baxay sheegayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo si fiican u qiimeeyay qorshe siyaasadeedka xukuumaddiisa mudadaa sanandka iyo dhawrka bilood ah. Sidoo kalena uu qiimayn buuxda ku sameeyay masuuliyiinta xukuumaddisa , isagoo dhinaca kalena diirada saaray qorshayaasha siyaasada Arrimaha debeda, dhinacyada dhaqaallaha, nabadgelyada iyo mashaariicda horumarka. Kadibna uu diyaarsaday qorshe iyo istiraatiijiyad cusub oo sadexda sanandood iyo dheeraadka u hadhay uu doonayo inuu ku maamulo dalka. sidoo kale waxay tibaaxa iyo xoggaha la xidhiidha socdaalka dhamaadka fasaxa Madaxweynaha inuu jiro qorshe si dhab ah uu ugu sameeyay xukuumadiisa mudadii uu joogay London oo hada uu jeebka ku sito, kaas oo galaafan doona masuuliyiin baddan oo ka tirsan xukuumadda.
Tibaaxaha shebekada Araweelonews ka heshay qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa ishaaraya in isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo waqtigan soo qorshayeey ay tahay mid ka dhalatay kadib markii uu garwaaqsaday habacsanaan ka muuqata xukuumaddiisa oo lagu tilmaamo mid aan isla jaanqaadin mudadii ay jirtay ee sannadka iyo dhawrka bilood ahayd, isla markaana uu jiro tartan dhinaca doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ay ku tartamayaan sadexdii xisbi ee hore u jiray iyo ururada cusub ee aan wli is diiwaan gelin balse qaar baddan magacyadooda lagu dhawaaqay. Sidaa awgeed qorshihiisa cusub ee uu jeebka ku sito ayaa la saadaalinayaa in aanu ka danabynnayn saacadaha iyo maalmaha fooda inagu soo haya, marka uu dalka kusoo laabto.
Ma jirto cid si dhab ah u og qorshaha Madaxweyne Siilaanyo jeebka ku sito iyo masuuliyiinta uu xilka ka qaadayo , ama meelaha uu isbedelka ku samaynayo xukuumaddiisa, isla markaana suxufiyiinta oo doonayay inay arrimahaa iyo kuwo kale su’aalo ka weydiiyaan ayaan fursad u helin kadib markii Afhayeenka madaxtooyadu inqilaabay weriyayaasha doonayay inay su’aalo la tiigsadaan Madaxweynaha markii uu Isniintii 28 Nov, 2011, kasoo degey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Hase yeeshee waxa keliya oo jira inay tibaaxaha iyo xoggaha hordhaca ahi sheegayaan inay suurta gal tahay inuu qorshahani saameeyo wasaaraddaha Gaashaandhiga , kaluumaysiga, Xanaanada Xoolaha, Arrimaha Debeda, Boosaha , Maallyadda, Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga , Waxbarashada , Duulista iyo Gaadiidka Hawada, warfaafinta, Qoyska, Hawlaha Guud, Caafimaadka iyo Cadaaladda iyo Warfaafinta ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato isku shaandhaynta cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku sito jeebka, iyadoo masuuliyiinta qaarkood waayi karaan xilalkooda, isla markaana waxa suurta gal ah in xubno cusub kusoo biiraan liiska golaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale waxa la filayaa in Haya’ddaha kale ee dawladda qaarkood iyo saraakiisha Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha qaarkood la raaciyo isku shaandhayntaa oo noqonay sida ay sheegayaan tibaaxahaasi tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo Madaxweyne Siilaanyo mudadii sanadka iyo dhawra bilood ahayd ee xukuumaddiisu jirtay. Laakiin waxa jira xoggo iyaguna sheegaya inay suurta gal tahay in Madaxweyne Siilaanyo isku dhaandhayntiisa la sugo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay April 2012 ka qabsoomaan dalka, balse xaqiiqda waxa la ogaan doona saacadaha iyo maalmaha soo socda iyo halka uu sal dhigo qorshaha Madaxweyne Siilaanyo jeebka ku sito.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com