xuska qowmiyaha1Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somalialnd Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa kusoo laabtay dalka maanta kadib markii ay

 

ka qaybgaleen munaasibad balaadhan oo lagu qabtay magaalada Jig-jiga ee xarunta Ismaamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia, taas oo lagu xusayay maalinta qowmiyadaha ku nool dalkaa.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ku hanbaleeyay munaasibdaa Raisal wasaaraha Ethiopia, Hayla Maryam Desalen iyo guud ahaan shucuubta reer Ethiopia ee munaasibadaa oo ahayd tii sideed ee laga xuso dalka Ethiopia oo  ay ku nool yihiin 85 Milyan oo qowmiyado kala duwan ah.
Madaxweyne Siilaanyo, waxay ku kulmeen munaasibadaasi intii ay socotay madaxda dalka Ethiopia sida Raysal wasaaraha Hayla Maryam, Madaxweynaha Kililka shanaad ee Soomaalida oo marti geliyay xuska Munaasibadaa iyo madax kale, waxayna munaasibadaa oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan qowmiyadaha ku dhaqan dalkaa ay kusoo bandhigeen dhaqamada iyo xadaaradaha kala duwan ee ay leeyihiin, iyadoo shucuubta kala duwan ka sokow fagaaraha uu ka babanayay Calanka Somaliland ee Tawxiidku ku xardhanyahay.  

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa dalka dib ugu soo laabtay. Kadib markii lasoo gebegebeeyay munaasibadaa maanta, waxayna wefdiga Madaxweynaha Somaliland oo ay gelbinayaan masuuliyiinta dawlad maamulka kililka shanaad ee Ethiopia wefdiga Madaxweynaha soo gaadhsiiyeen xadka dhinaca Wajaale oo ay shalay ka talaabeen Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdiga uu hogaaminayay, iyagoo soo gaadhay magaalada Hargeysa, isla markana si weyn loogu soo dhoweeyay deegamada Gebilay iyo Wajaale.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *