Hargeysa(ANN) Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa goordhawayd si rasmi ah  shaaca ugu qaaday magacyada wasiiradda cusub ee xukuumaddiisa iyo tirada wasaaraddaha ay   ka koob tahay dawladiisu. Madaxweyne Siilaanyo oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada, waxa uu magacaabay labaatan wasiir iyo lix wasiir-ku-xigeen, kuwaas oo isugu jira Aqoonyahano aan hore ugu jirin siyaasada,

 Ganacsato iyo xubno kooban oo siyaasiyiin hore ahaa, ama saaxada siyaasada ka muuqday waqtiyo hore, isla markaana xubnaha cusub ee wasiirada iyo ku xigeenadooda oo qaarkood ka mid ahaayeen xisbigiisa KULMIYE, waxa ku jira saddex haween ah, waxayna xubnaha uu Madaxweynuhu saaka magcaabay ee noqonaya golihiisa wasiiradu u badan yihiin dad rayid ah oo xubnaha qurbo-joogu ka dhex muuqdaan,  isla markaana waxa xubno ka ah saddex dumar ah.
Liiska Magacyada qoraalka Madaxweynuhu soo saaray ee uu ku magacaabay wasiiradda cusub waxay yihiin sidan;
1.Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah; Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.
3. Wasaaradda Maaliyadda; Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
4.Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta; Dr. Sacad Cali Shire.
5.Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Xuseen Axmed Caydiid.
6.Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare; Samsam Cabdi Aadan.
7.Wasaaradda Caafimaadka; Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog).
8.Wasaaradda Gaashaandhiga; Axmed X. Cali Cadami.
9.Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska; Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
10.Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga; Dr. Axmed Xaashi Oday.
11.Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
12.Wasaradda Caddaaladda iyo Garsoorka; Prof. Ismaaciil Muumin Aare.
13.Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta; Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
14.Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; Ilhaan Maxamed Jaamac.
15.Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha; Dr. Maxamed Yaasiin Xasan.
16.Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta; Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.
17.Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalliyarada iyo Dhaqanka; Maxamed Xaashi Madar.
18.Wasaaradda Beeraha; Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.
19.Wasaaradda Duulista iyo Hawada; Maxamuud Xaashi Cabdi.
20.Wasaaradda Warfaafinta; Cabdillaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire).
Wasiir-ku-xigeenada
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare; Cali Caamud Jibriil.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Maxamed Yoonis Cawaale.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Cismaan Garaad Soofe.
Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Cali Cabdi Saa’iq
Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda; Warsame Siciid Cabdi.
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka; Nimco Xuseen Qowdhan.”
Tirada wasiiiraddaha ee gaadhay labaatanka ayaa kuwo ka badan intii la saadaalinayay, isla markaana xubnihii gudida aqoonyahanka ee Madaxaweynhu u xil saaray horaantii bishan July 2010 inay kasoo taliyaan qaabka loo samaynayo xukuumad kooban oo tayo leh ayaa talooyinkooda ku sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen qorshe sheegaya in xukuumadu aanay ka badnaan 15 wasaaradood, taas oo marka horeba u qorshaysnayd madaxweynaha la doortay oo balan qaaday inuu soo dhisayo xukuumad kooban oo tayo leh. Laakiin maalmihii u danbeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in laga yaabo in tirada wasaaraduhu noqdaan 18, wasaaradood iyo dhawr wasiir ku xigeen, balse  korodhka hada tiraadaa ayaa loo malaynayaa inuu sabab u yahay arrimo siyaasadeed iyo duruufo ka hor yimi qorshihii madaxweynaha cusub.
Hase yeeshee xubnaha ka muuqda golaha wasiirada cusub ee Axmed siilaanyo ayaa intooda badani yihiin dad aan hore ugu jirin saaxada siyaasada, waxaana suurta gal ah inay dad badani soo dhoweeyaan, laakiin waxa hubaala inay jirayaan kooxo si weyn uga biyo diidaya magcaabista xukuumada cusub, kuwaas oo naawilayay inay ka mid noqdaan.
Si kastaba wax haw jireene qaab dhismeedka xukuumada cusub ayaa u muuqda mid ka turjumaya xukuumad tayo leh, isla markaana aad uga kooban xukuumadiii madaxweynihii hore ee lagaga guulaystay doorashada Daahir Rayaale  Kaahin, taas oo u shaxaysnayd sidan;-
Magaca Wasaaraddaha      
 Magacayada
Wasiiradda W/Ku xigeenadda Magaca/Wasiirdawlayaasha Tirada guud Wasiir, ku Xigeen iyo Wasiir Dawle 
W/Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Axmed Nuur Aw-cabdi  Cali Biikolo  
W/Arrimaha Gudaha C/llaahi Ismaaciil Ciro
 Axmed Jaanbiir Suldaan Muuse Cabdi Maxamuud  
W/Waxbarashada
 Xasan Xaaji Maxamuud (X.Gadhweyne)
 Ismaaciil Muxumed Madar Maxamuud Garaad (Qawdhegeyste)  
W/Ganacsiga Abiib Xasan Filfil
 Cabdixaliim (Amiirka)   
W/ Caddaalada Aadan Dhoolayare
 Yuusuf Ciise Tallaabo   
W/ Caafimaadka Axmed Cali Casoowe 
 Mahdi Cismaan Buuri Axmed Cali Shire  

W/ Macdanta Iyo Biyaha 
Cismaan Sh. Cabdi  

Farxaan maxamed Jaamac  
W/Beeraha Cabdi Haybe, Maxamed Xaaji Warsame   

W/Hawlaha Guud 
Siciid Sulub Maxamed Aw  Cabdi  Sheekh Cabdiraaq  Cawil  Bacaluul   
W/ Deegaanka  iyo Hurumarinta Reer Miyiga  Maxamed Hagar Dirir  Siciid Maxamed Bile   

W/Xanaanada Xoolaha IDiris  Ibraahin Cabdi  Aadan Daahir Maxamed
  
W/Arrimaha Qoyska Faadumo Suudi Xasan    
W/Waqaafta iyo Diinta Sh. Maxamed Suufi    
W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Maxamuud Axmed (Sandule)
 Cali Sheekh   
W/Wershedaha iyo Tamarta Axmed Cali Ubaxle   
W/Dalxiiska C/raxmaan Waaberi Maxamed Axmed Faarax    
W/Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir
 Cali Cilmi Geele  
W/Kaluumaysiga Cali Maxamed Qoor-seef Maxamuud Maxamed Nuur (Bigays)  
W/Duulista Hawada Cali Maxamed Wrancade Axmed Maxamuud  Cagadable  
W/Ciyaaraha iyo Dhalinyaarada 1-Maxamuud Siciid   
W/Gaashaandhiga Saleebaan Warsame Guuleed
 Axmed Maxamed Filanwaa  
W/Qorshaynta Cali Ibraahin (Cali Sanyare)
 Axmed Xaashi  
W/Dibdejinta Maxamed Yuusuf Cismaan C/xakiim Garaad Maxamed  
W/arrimaha Debeda C/llaahi Maxamed Ducaale
 Axmed Aadan Ismaaciil  (Keyse) C/raxmaan Cismaan 
W/Xidhiidhka golayasha  Xuseen Caynaan   
W/Madaxtooyada  Xasan Cali Ducaale (X.Macalin)   
Tirada 26 18 8 52
Prepared  By.  Carraale M. Jama

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *