images/stories/madaxweynaha cusub axmed m. maxamuud siilaanyo.png    Hargeysa(ANN) Madaxweynaha cusub ee maanta xilka loo dhaariyay Axmed Maxamed Maxamuud ayaa si weyn loogu dheg taagayaa ku  dhawaaqista golihiisa wasiirada ee cusub oo uu  munaasibadaa dhaarta iyo xil wareejinta  ka sheegay inuu ku dhawaaqayo maalinta  Arbaca xubnaha ka mid niqonaya xukuumadiisa, waxaana ilaa xalay isa soo tarayay wararka lagu saadaalinayo xubnaha golaha wasiirada iyo inta wasaaradood ee ay noqonayaan.

Hadal haynta xukuumada cusub iyo xubnaha ka mid noqonaya ayaan ilaa hada si cad loo ogayn, balse waxa jira durba magacyo dadku si weyn u hadal hayeen ilaa xalay, isla markaana hadal haynta magacyada xubnaha la ishaarayo inay ka mid noqonayaan golaha xukuumada cusub ee Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka duwan kuwo maalmihii hore magacyadoodu suuqa soo galeen, waxaana hada soo baxaya magacyada dad aanay inata badan Bulshadu aqoon u lahayn oo u badan aqoonyahano iyo ganacsato intooda badani dalka debediisa ku noolayd oo aan ku jirin saaxada siyaasada.
 Warar u dhuun daloola dhinaca Madaxweynaha cusub ayaa sheegaya in dhismaha xukuumada cusub ee uu ku dhawaaqayo saacadaha soo socda ay ka kooban yihiin 18 Wasaaradood, halka ay wasaaradaha xukuumada Rayaale ka hayd 26 Wasaaradood oo leh 26 Wasiir 18 wasiir ku xigeen iyo 8 wasiir dawle, kuwaas oo tirada guud ee golaha wasiirada xukuumada Rayaale ka dhigayay 52 xubnood.
Hase yeeshee Madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo oo hore gudi ugu saaray inay kasoo taliyaan qaabka loo dhisayo xukuumad kooban oo tiro yar, isla markaana tayao leh  ayay xubnaha gudidu u gudbiyeen Madaxweynaha  badhtimihii July talooyinkii ay  soo jeediyeen oo ahaa  inay dawlada cusubi ka koobnaato 15 wasaaradood, kuwaas oo aan lahayn wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal toona.balse yeelanaya waaxo Agaasin ah(Directress). Iyadoo gudidu is raacisay wasaarado markii hore mid waliba gaarkeeda u taagnayd. Laakiin maalmihii u danbeeyay  waxa soo baxayay warar laga soo xiganayay dhinaca qorshaha Madaxweynaha cusub oo tibaaxayay in tirade qaab dhismeedka wasaaraddaha lagu kordhiyay ilaa sadex wasaaradood.
Inkasta oo wararka sidaa tibaaxaya aanay Madaxweyne Ahaxmed  Siilaanyo. Laakiin waxay wararka xog ogaalka u ah qorshaha Madaxweynahu tibaaxeen in saddexda wasaaradood ee ku kordhay 15 wasaaradood ay yihiin kuwo kasoo baxay wasaarado loo arkay in aanay is qaban Karin oo dusha layska saaray. Sida  wasaarada maaliyada oo xubnaha gudidu ku taliyeen in la raaciyo wasaaradda Qorshaynta. Sidoo kale waxa talooyinka gudidaa ka mid ahaa in aanay xukuumada cusubi yeelan wasaaradeheedu wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal toona. Laakiin hada waxa soo baxaya warar sheegaya inay jirayaan  wasiir ku xigeeno lagu kabayo dhawr wasaaradood o oculus, kuwaas oo sida wararka xogaha iyo tibaaxuhu sheegayaan aan ka badnaanayn 5 ilaa 7 wasaaradood.
Waxaana ilaa habeen hore xiligii diyaar garawga xaflada xil wareejinta iyo dhaarta madaxweynaha cusub isa soo tarayay hadal haynta magacyada xubnaha sida weyn loo hadal hayay inay ka mid noqonayaan xukuumada cusub ee laga sugayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta si cad u sheegay inuu sacadaha soo socda maalinta Arbacada ku dhawaaqi doono xukuumadiisa, isla markaana shacbiga si toos ah ugu jeedin doono qudbadiisa u horaysa., sidaa awgeed waxa ilaa xalay aad loo hadal hayay magacyada xubno la saadaalinayo inay ku jirayaan Liiska xukuumada cusub ee lagu dhawaaqayo maanta. Xunabaha magacyadooda la saadaalinayay qaarkood waxay hadal hayntoodu soo baxday labadii maalmood ee u danbeeyay, isla markaana waxay gebi ahaanba dadka la hadal hayaa u badan yihiin aqoonyahano iyo dad hawlo ganacsi ku jiray oo aan ku jirin xayndaabka siyaasada Somaliland.
Magacyada dadka sida weyn loo hadal hayo sacadii u danbeeyay, waxa ka mid ah.Dr. Sacad Cali Shire, Sheekh aqoonyahan ku nool qurbaha, mudooyinkii u danbeeyayna ahaa wakiilka Somaliland ee USA,  Khaliil, wadaad ganacsade ah,  C/risaaq Khaliif, ganacsade, C/risaaq Warsame Ataash ganacsade ku noolaa dalalka debeda, Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ahaa musharixii madaxweyne xigeenka ee xisbiga UCID doorashadii madaxtooyada,Dr. Maxamed C/llaahi xoghayaha Arrimaha debeda ee KULMIYE,  Dr. Maxamed  Cabdi Gaboose dhakhtarka caanka ah. Prof. Ismaaciil Muumin Aare.  Eng, Maxamed Xaashi Cilmi. Ex. MP. Maxamuud Xaashi Cabdi. Dr. Cabdi Aw Daahir wasiirkii Caafimaadka xiligii xukuumadii marxuum Cigaal, Axmed muxumed Madar UFFO, Muj. Maxamed C/llaahi Cabsiiye, Muj. Maxamed kaahin Axmed saraakiishii SNM.Mr. Xuseen Axmed Caydiid, Axmed Xaaji Cali Cadami gudoomiyihii hre ee Komishanka doorashooyinka Somaliland. Maxamed Xasan Hawlwadeenada Ururada bulshada, isla markaana hore u  ahaa gudoomiyaha Dalada SONYO.
Inasta oo aanay xubnahani ahayn kuwa rasmiga ah ee ka mid noqonaya golaha wasiirada ee la filayo maanta inuu ku dhawaaqo Madaxweynuhu, hadana waxa aad loogu raja weyn yahay inay intooda badani ka mid noqonto, balse xubnaha golaha wasiirada oo maalmihii u danbeeyay la hadal hayay inay ku jiraan ilaa saddex dumara ayaan ilaa hada isa soo tarayn hadal hayntoodu, waxaana maalmihii u danbeeyay dhinaca haweenka ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub la hadal hayay Marwo Samsam Cabdi Aadan Iyo Ilhaan Maxauud jaamac, kuwaas oo magacyadoodu saaxada ku jireen. Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaqaya golihiisa xukuumada cusub oo si weynloogu dheg taagayo, maadaama uu hore u sheegay inuu soo dhisayo xukuumad kooban oo tayao leh, taas oo si weyn shacbigu u danaynayaan. Balse ku dhawaaqisteedu ka cadhaysiinay rag badan oo ku mashquulsanaa in xilal loo dhiibo oo laga qayb geliyo xukuumada cusub, isla markaana maalmihii u danbeeyay geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii looga qayb gelin lahaa golaha wasiirada cusub.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *