Hargeysa(Arraweelo News)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaciyey in aqoonsiga aannu ahayn wax si dhib yar Somaliland ku heli karto, balse waxa uu

caddeeyey in dalkiisu macaamil iyo xidhiidho joogto ah la leeyahay dalalka caalamka.

Madaxweyne Siilaanyo oo telefishanka Al-jazeera siiyey waraysi shalay la baahiyey, waxa uu xusay in aqoonsi la’aantu aannu xanibaad ku ahayn xidhiidhka iyo macaamilka Somaliland la leedahay dalalka dunida iyo beesha caalamka, isagoo tilmaamay inuu madaxweyne ahaan dunida oo dhan safari shaqo ugu bixi karo, lana kulmi karo madaxda iyo masuuliyiinta dalalka dunida.

“Run ahaantii, weli nalama aqoonsan, waxaannu ogsoonahay in aqoonsigu aannu ahayn wax fudud, laakiin beesha caalamku xidhiidho iyo wadashaqayn ayey nala leedahay, aqoonsi la’aantuna maaha in aannu go’doon kaga jirno dunida, laakiin si fiican baannu ugu xidhan nahay dunida, way nala shaqeeyaan, way nala xidhiidhaan. Annigu dalalka dunida oo dhan badankooda safaro shaqo ayaan ugu bixi karaa, waxaanan la kulmi karaa dawladaha, madax iyo wufuud caalamka ka socda ayaa noo yimaad, waxayna Somaliland ka fuliyaan mashaariic horumarineed, waxay taageeraan hannaanka dimuqraadiyadaynta dalkayaga ka jira. Markaa haddaannu nahay Somaliland macaamil iyo iskaashi ayaannu la leenahay dunida,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kale oo madaxweynaha Somaliland waraysigiisa ku iftiimiyey sababihii ay uga qaybgeli waayeen shirkii arrimaha Soomaaliya ee 7 May 2013 ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo xusay in shirkaasi ahaa mid aan khusayn Somaliland oo lagaga hadlayey dib-u-dhiska iyo taageerada dawladda Soomaaliya. Waxaannu tilmaamay in xidhiidh aad u qoto dheeri ka dhexeeyo Somaliland iyo Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyey in Somaliland rajaynayso saami ay ka hesho dhaqaalihii badnaa ee Soomaaliya loogu ballanqaaday shirkii London, waxa uu yidhi; “Haggaag, waxaan filayaa in beesha caalamku taageerayso Somaliland, muddo dheerna taageeraysay, kaalmo iyo taageero badan ayaannu ka helnaa dalalka Yurub. Dabcan, waxaannu jecelnahay in aannu helno ballanqaad taageero xooggan ah, maadaama baahi xooggan loo qabo horumarka Somaliland.”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Al-jazeera weydiiyey inuu ballanqaad aqoonsi ah ka helay safarkiisii uu bishii April ee sannadkan ku tagay dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in aanay dawladda Maraykanku wax aqoonsi ah u ballanqaadin, balse ay u ballanqaadeen inay sii wadayaan mashaariicda horumarinta ee Maraykanku ka wado Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka jawaabayey su’aal ahayd; ‘Midawga Afrika waxay ka baqayaan in haddii Somaliland aqoonsi la siiyo inay taasi horseedi karto dalal badan oo Afrikaan ah oo kala googo’a? Waxa uu yidhi; “Sababaha ay doonaan ha sheegtaan, laakiin Somaliland iyo Soomaaliya taariikh ahaan waxay ahaayeen laba dal oo kala gaar ah. Waxa aad ogtihiin taariikhda dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah, waxay ka soo baxeen xilliyadii guumaysiga. Xaqiiqo ahaana, xilligaas ay Somaliland madaxbannaanideeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska (26 June 1960) wadamo badan ayaa dal ahaan u aqoonsaday.

laakiin waqtigaas waxa taagnaa xamaasadii Soomaaliweyn oo ahayn in la mideeyo dhammaanba dadka Afsoomaaliga ku hadla ee ku dhaqan Geeska Afrika, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Soomaalidii Itoobiya, Soomaalida Kenya, Soomaalida Jabuuti, kaasina waxa uu ahaa hamigii dhallinyartii xilligaas jirtay. Laakiin taasi suurtogal may noqon, maxaa yeelay, siyaasada dalalkii awooda dunida haystay ayaan ogolayn, mabdi’ii la isla qaatayna wuxuu ahaa in Soomaalidii Itoobiya ay la noolaadaan, kana mid ahaadaan dalka Itoobiya. Jabuuti-na wadan madaxbannaan ayuu noqday, beesha caalamkuna way aqbashay. Soomaalidii Kenya iyaguna waxay ka mid noqdeen Kenya.

Hadaba, maxaa Somaliland ka hor istaagaya inay noqoto dalka madaxbannaan oo sidoo kale ay beesha caalamku aqbasho? Midawgii Somaliland iyo Soomaaliya ka dib, nidaamkii Siyaad Barre si xun buu ula dhaqmay dadkii Somaliland, diyaarada Hargeysa badhtankeeda sudhani waxay ahayd kuwii intay madaarka Hargeysa ka duulaan, hadana duqaynayey maatidii iyo carruurtii Hargeysa, ilaa tallawga xadka Itoobiya ayey dadka rayidka ah ku duqaynaysay, xusuuqaas iyo dambiyadaasna waxa ummadda Somaliland ka galay talliskii Siyaad Barre, ilaa haddana Somaliland waxay u halgamaysaa madaxbannaani.”

Waxa kale oo madaxweyne Siilaanyo ku sheegay waraysigiisa in wadahadalo u socdaan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana labada dhinac ku heshiiyeen in wadahdalka la sii wado, la is ixtiraamo, dhinacyada ammaankana la iska kaashado, isagoo xusay in labada dalba ku faraxsan yihiin wadahadalka u furmay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *