Garoowe(Araweelo News Network) Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Alshabaab, kaas oo sida ay sheegeen lagu qabtay howlgal balaadhan oo

ay Magaalada Boosaaso ka fuliyeen ciidanka amaanku.

Sidaana waxa saxaafada u sheegay Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan, wuxuuna ku tilmaamay howlgalka ninkaa  lugu soo qabtay in uu ahaa mid qorshaysan  oo shalay ay fuliyeen, kaas oo isku dayay in uu is difaaco laakiin waxa uu sheegay in Ciidamda amnigu u awood sheegteen, isagoo sarkaalka la qabtay ku hubaysnaa bostoolad iyo bambaanooyin .

Ninka la qabtay oo Wasiirka amniga sheegay in uu yahay madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee masuulka ka ahaa dilalkii ka dhacay Puntland, kaas oo sida uu xusay  in lugu soo tababaray Gobalada Koofurta Soomaaliya.

Howlgalka lugu soo qabtay ninkaa oo shalay dhacay Boosaaso ayaa sababay  dhimashada hal qof oo shicib ah, kaas oo ay haleeshay risaastii la isku ridayay, iyadoo dhinaca kalena  aad loo adkeeyay amniga Mgaaalada Boosaso.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *