Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen mudadii ay dalka Turkiga ku maqnaayeen
Madaxda dalkaa.
Madaxweyne Siilaanyo oo galabta kasoo degey garoonka Caalamiga ah ee Cigaal oo ku yaal Magaalada Hargeysa, kadib safar mudo todobaad ah ay isaga iyo wefdi uu higaaminayaa ku maqnaayeen dalka Turkiga, wuxuuna sheegay inay dawladda Turkiga ku qanciyeen in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala madax banaan, isla markaana ay balanqaadeen sidii ay Somaliland gacan iyo taageero uga siin lahaayeen dib u dhiska dalka.
Madaxweyne Siilaanyo hadal kooban warbaahinta ku siiyay Madaarka Hargeysa, wuxuu yidhi, “Waxaannu aad iyo aad ku mahadinaynaa oo idiinka mahad naqaynaa sida wanaagsan ee naloo soo dhaweeyay. Waxaanu marti-qaad ugu maqnayn dalka Turkiga oo ay innaga dhaxayso saaxiibtinimo balaadhan iyo taariikh, dadkii aanu kula kulanay waxa ugu mudnaa Raysal wasaaraha Turkiga, ku xigeenkiisa iyo Wasiirradiisa. Waxaynu nahay labada dal oo taariikhi ka dhaxayso oo arrimo badan wada qabsan kara.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Hadalka Madaxweynaha oo dhmaystiran ka Daawo Halkan