IMG_0189

Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo oo muddooyinka safar ugu maqnaa dalalka Faransiiska iyo Baritain ayaa maanta dalka kusoo laabtay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay  weheliso Marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxa si weyn loogu soo dhoweeyay  garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport  oo ay ku sugayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.
Sidoo kale waxa soo dhawaynta Madaxweynaha ka qayb qaatay Sulaadiinta Somaliland Boqorada, Caaqilada, Xildhibaanada Golayaasha qaranka Somaliland iyo Shacbiga qaybihiisa kala duwan, kuwaas  oo safaf dhaadheer Madaarka ilaa wadooyinka magaalada oo si weyn saxmad u noqday saaka.

IMG_0579

Madaxweyne Siilaanyo  ayaa bulshada uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhoweeyeen dalkiisa, wuxuuna socod ku maray qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada, isagoo salaam gacanqaad ah ku qaabilayay dadka tubnaa wadooyinka ee isu soo abaabulay soo dhowaynta Madaxweynaha.

IMG_0289

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu warbixin kooban ka bixiyay socdaalkiisa, wuxuuna jawaab dhinac isaga duway in ay xukuumaddiisu faragelin ku hayso golaha wakiiladda Somaliland, taas oo uu ku eedeeyay gudoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.
Halkan ka dhegeyso jawaabaha uu Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyay eedayntaa iyo arrimaha uu ka hadlay Riix

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *