breakingnews1Muqdisho(Araweelo News Network) Xarakada Al-shabaab eek a dagaalanta Somalia ayaa gebi ahaan joojisay adeegyada isgaadhsiinta ee isticmaalka internetka oo ay hore uga joojisay deegaamada ay maamusho.

Awaamiir ay bixisay Al-shabaab ayaa si cad uga dhaqangalay deegaamada ay maamusho iyo magaalada Muqdisho oo ay ku amreen shirkaddaha bixiya Internetka iyo gebi ahaanba khadka isgaadhsiinta in ay joojiyaan, waxaana la joojiyay isticmaalka adeegyadaa, iyadoo la fulinayo awaamiirta Al-shabaab.
Tallaabada noocan ah ee Al-shabaab ku amartay joojinta adeegyadaa ayaa muujisay in ay awood weyn ku leedahay gudaha magaalada Muqdisho iyo deegaamada kale ee ay sida tooska ah u maamusho ee Koonfurta Somalia, waxayna arrintani meesha ka saartay in xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud aanay ka talin magaalada Muqdisho iyo deegaamada kale ee dalka sheegato, balse awoodeedu aanay ka baxsanayn oo keliya xayndaabka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo jawaabteedu noqotay oo keliya in ay canbaareeyaan awaamiirta Al-shabaab ku joojisay adeegyada isgaadhsiinta.
Gudoomiyaha Magaalada Muqdisho Tarsan ayaa warbaahinta u sheegay in ay moodayeen in amarka Al-shabaab lagu joojiyay adeegyadaa, balse waxa uu sheegay in ay xarumaha shirkadaha qoryo ku qabteen oo ku joojiyeen khasab, taas oo mar kale muujisay awooda ay kooxda Al-shabaab weli ku leedahay Muqdisho iyo deegaamada kale ee u dhow.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Somalia Mustaf Sheekh Cali ayaa ka hadlay arrintaa, wuxuuna War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa maanta Dhuxulow ku caddeeyay in dowladdu aysan soo saarin amar lagu xidhay ama lagu casbi geliyay shirkadaha isgaadhsiinta dalka ka howlgalla.

Dhuxulow, wuxuu isagoo ka hadlaya arrintaa ku yidhi, war saxaafadeedkiisa, “Iyadoo laga duulayo siyaasadda dowladda ee ku dhisan hirgelinta ganacsiga xorta ah, Wasaaradda Warfaafinta waxay caddeynaysaa in aanu jirin amar kasoo baxay Dawladda  Federaalka Soomaaliya oo lagu xidhay ama lagu cabsi geliyey shirkadaha Isgaadhsiinta inay joojiyaan adeegyadii ay u hayeen bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale Dowladdu waxay ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashayadayaasha caalamiga ah u xaqiijinaysaa  sida ay uga go’an tahay  inay  ku caawiso siday  uga hirgelin lahaayeen dalka oo dhan ganacsi xor ah” ayuu ku yidhi qoraal saxaafadeedka.

Wuxuuna xusay in ay ku  wargelinayaan dhamaam Shirkadaha isgaadhsiinta inay shaqadooda sii wataan oo aanay dheg jalaq u siin handadaada kaga imanaysa , kuwa uu ugu yeedhay nabad diidka ee Al-shabaab.
Dhinaca kale Dawlada Maraykanka oo warqabta awaamiirta Al-shabaab ayaa uga digtay muwaadiniinteeda in ay u safraan Somlia oo ay sheegeen in ay jirto khatar laga cabsiqabo in Al-shabaab ay fuliyaan weeraro lagu bartilmaameedsanyo xarumaha dawlada, dadka ajaanibka ah iyo goobaha lagu kulmo.
Si kastaba ha ahaatee awaamiirta Al-shabaab ku joojisay isgaadhsiinta iyo isticmaalka adeega Internetka Somalia ayaa si cad u muujisay awooda ay weli ku leeyihiin halkaa, isla markaana waxay tallaabada uu kaga hirgalay magaalada Muqdisho amarkeeda iyo deegaanada ku dhow waxaba kama jiraan ka dhigtay sheegashada dawlada Xasan Sheekh oo aan xukumin wixii ka baxsan dhismaha ay ku jirto ee Villa Somalia.
info@araweelonews.com

 

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *