Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo oo muddooyinka safar ugu maqnaa dalalka Faransiiska iyo Baritain ayaa maanta dalka kusoo laabtay.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliso Marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport oo ay ku sugayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.
Sidoo kale waxa soo dhawaynta Madaxweynaha ka qayb qaatay Sulaadiinta Somaliland Boqorada, Caaqilada, Xildhibaanada Golayaasha qaranka Somaliland iyo Shacbiga qaybihiisa kala duwan, kuwaas oo safaf dhaadheer Madaarka ilaa wadooyinka magaalada oo si weyn saxmad u noqday saaka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa bulshada uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhoweeyeen dalkiisa, wuxuuna socod ku maray qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada, isagoo salaam gacanqaad ah ku qaabilayay dadka tubnaa wadooyinka ee isu soo abaabulay soo dhowaynta Madaxweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu warbixin kooban ka bixiyay socdaalkiisa, wuxuuna jawaab dhinac isaga duway in ay xukuumaddiisu faragelin ku hayso golaha wakiiladda Somaliland, taas oo uu ku eedeeyay gudoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.
Halkan ka dhegeyso jawaabaha uu Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyay eedayntaa iyo arrimaha uu ka hadlay Riix