Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa caawa isku bedel iyo magcaabis ku sameeyay Agaasimayaasha iyo Hay’addaha
Madaxa-banan qaarkood. Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed caawa kasoo baxay Madaxtooyadda, kaas oo lagu sheegay In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Maareeyayaasha Hay’adaha madax-banaan.
Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-
Maxamed Xasan Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Maxamed Sh. Cumar Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
Faysal Cali Sheekh Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Dr. Cismaan Xuseen Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha
Maxamed Cali Aaden Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda
Abiib Axmed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka
Cabdirisaaq Jaamac Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha
Maxamed Xuseen Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska
Xasan Cumar Hoori Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga
Maxamed Jibriil Aaden Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta
Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control)
Cabdi Cali Jaamac Xog-hayaha Guud ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC)
Eng. Ismaaciil Cabdilaahi Cabdi Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Fahmi Cabdi Bidaar Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga (NERAD)
Qaasim Xasan Mataan Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka.
Waxaa xilalkii ay hayeen laga bedelay masuuliyiinta kala ah.
Maxamed Xasan Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, kaas oo ahaa Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Maamul Wanaaga
Faysal Cali Sheekh Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, kaas oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo hore Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka
Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha, kaas ooh ore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Caafimaadka
Xasan Cumar Hoori Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga, kaas oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control), kaas ooh ore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta
Gudoomiyihii hore ee Guddida hore ee Ilaalinta Tayada (Quality Control) Siciid Saleebaan Mire, waxa lagu sheegay qoraalka inuu yahay Xil Suge Gudoomiyaha Guddida hore ee Ilaalinta Tayada (Quality Control)
Masuuliinta Xilalka laga nasiyey ayaa lagu sheegay qoraalka, kuwaas oo kala ah.
Maxamed Daahir Khayre oo ahaa Xog-hayihii Guud ee Hore ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC)
Cabdi Ibraahin Cabdilaahi Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Mustafe Maxamed Qodax Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska
Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
Salaan Cabdi Cige Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah