Hargeysa(ANN)Kulan salka ku haya khilaafka ka taagan qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa shalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kulankaa oo aan si cad loo ogayn, ayaa
u dhexeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubno ka tirsan xukuumadda iyo hogaanka xisbiga Kulmiye.
Hase yeeshee labada dhinac ayaa isku mari waayay khilaafka lagu kala aragti duwanyahay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo qorshihiisu ahaa in la qabto Bisha April ee fooda inagu soo haysa, balse dib loo dhigay mudo aan la cayimin iyo shirweynaha Xisbiga oo todobaadkii hore qoraal hoganka Kulmiye soo saareen ku sheegeen in dib loo dhigo ilaa Bisha Desembar ee dabayaaqada sanadkan , taas oo ka cadhaysiisay Kooxda Wasiiradda ah ee uu hogaamiyo Sheekh C/casiis Samaale, kuwaas oo loolan adagi u dhexeeyo Hogaanka Xisbiga ee Kornaylada Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin.
Sida ay sheegayaan xoggo ay shebekada araweelonews ka heshay kulankaa Madaxweyne Siilanyo ayaa isku deyay inuu labada dhinac isu soo dhoweeyo ayaa laysku mari waayay dood adag oo dhexmartay labada dhinac, iyadoo kooxda Wasiiradda ee C/casiis Samaale oo wata Gudoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel ay ku doodeen in dib u dhigista shirweynaha iyo mudada la qabanayo shirka golaha laga ansixiyo fadhi laysugu yeedho xubnaha golaha dhexe, balse waxa arrintaa dhinacooda ku gacansaydhay hogaanka Xisbiga, taas oo sababtay in lagu kala kaco fadhigaa.
Hase yeeshee sida ay sheegayaan xoggaha shebekada araweelonews ka heshay arrintaa waxa mar danbe xalay qasriga Madaxtooyada looga yeedhay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahin Iidle iyo xubin kale oo sharci yaqaan ah, kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo doonayo inuu hordhigo sharciyada iyo xeerarka Ururku waxay ka leeyihiin arrimahaa, balse lama ogga jawaabta ay ka bixiyeen arrintaa labadaa sharci yaqaan, kuwaas oo la rumaysan yahay in aanay kaxidhiidh fogayn kooxda wasiiradda ee uu hogaamiyo C/casiis Samaale oo geed dheer iyo mid gabanba u fuulay sidii ay daaqada uga saari lahaayeen Kornaylada hogaamiya Xisbi xaakimka Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee waxay taageerayaasha xibiga Kulmiye iyo qaybo kale oo ka mid ah Bulshadu indhaha ku hayaan waxa kasoo baxa kulamadaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com