Muqdisho(ANN) Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa badbaaday weerar ay Al -Shabaab ku soo qaadday kolonyo baabuur ah oo Madaxweynaha sidday, isagoo kasoo laabtay socdaal uu ku tegey Af-gooye oo

 

laga qabsay Al-shabaab.
Sida ay sheegeen  ciidamada AMISOM  Madaxweyne Shraiif  wuxuu ka soo laabtay socdaal uu ku tegey magaalada Afgooye, taas  oo maalmihii lasoo dhaafay laga qabsaday halkaa.
Af hayeenka AMISOM wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee AP in AMISOM ay dib u celisay weerarka Al- Shabaab, madaxweynuhuna isaga oo nabad qaba uu kusoo laabtay Muqdisho.

Dhinaca kale Ciidamada AMISOM, ayaa ka difaacay weerarka lagu soo qaaday kolanyada gaadiidka Madaxweynaha, kaas dirqi kaga badbaaday weerarkaa, isla markaana  Afar  ka mid ah Ilaalada madaxweyne Shariif ayaa ku dhaawacmay weerarka ay Al-shabaab la beegsatay, waxaana ku dhintay  ugu yaraan mid ka mid ah askarta ilaalada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *