Nairobi (ANN)Madaxweyne Xigeenka Dalka Iran Maxamed Reza Rahiim iyo wefdi culus oo uu hogaaminayo ayaa booqday dalka Kenya, kuwaas oo kulamo la yeelanaya Raysal Wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, masuuliyiin kale iyo

 

qaybaha bulshada Kenya.
Wefdiga Iran ee uu hogaaminayo Madaxweyne xigeenka dalkaa Maxmed Reza, waxay isugu jiraan 11 xubnood oo wasiiro, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Beeraha,Ganacsiga,Caddaalada, Dhaqaalaha, Sayniska, wararka iyo warbaahinta  iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda iyo ilaa 50 xubnood oo isugu jira ganacsato iyo khuburo.   Wefdiga Iran ayaa booqayana magaalada dekeda ah ee xeebta Banbasa, iyagoo la kulmaya ganacsatada iyo hogaamiyayaasha bulshada muslinka ah, waxaana sida ay wararku sheegayaan ay usii dhaafi doonaan dalka Kenya Tanzania.
Xukuumaddaha  Iran iyo Kenya waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha dhinaca ganacsiga, iyadoo Tehran  doonaysa inay caleenta shaaha ka qaadato Kenya. Sidoo kale waxay ka wada hadleen dhinacyada ganacsiga dalxiiska iyo wax soo saarka iyo maalgashiga kale ee Iran doonayso inay ka samayso Kenya.
Wefdiga Iran, waxay kula kulmeen Nairobi Raysal Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Mahamad Cali, waxayna kala hadleen shirka dalka Turkiga ee Soomaalida iyo arrimo kale, taas oo ka danbaysay kadib markii uu  maanta  raysal Wasaaraha Somalia la kulmay dhigiisa dalka Kenya Raila Odinga oo ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xidhiidhka  labada dal, arrimaha Amniga iyo howlgaladda ka socda dalka gudihiisa oo ay ciidamada Kenya qeyb ka yihiin, heshiiskii Addis Ababa iyo shirka Istanbul lagu Wado inuu ka dhaco 31ka May 2012, kaas oo ay wadamada arrimaha Soomaalida ku hawlani ku kala qaybsan yihiin.
Dhinaca kale socdaalka wefdiga balaashan ee Kenya, ayaa loo fasiray inuu qayb ka yahay loolanka wadamada waaweyn u dhexeeya ee arrimaha Soomaalida, iyadoo Iran iyo Turkigu ka mid yihiin kuwa loolanka siyaasadeed ee dunida islaamka waqtigan ka dhexeeyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *