Muqdisho(ANN) Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa badbaaday weerar ay Al -Shabaab ku soo qaadday kolonyo baabuur ah oo Madaxweynaha sidday, isagoo kasoo laabtay socdaal uu ku tegey Af-gooye oo
laga qabsay Al-shabaab.
Sida ay sheegeen ciidamada AMISOM Madaxweyne Shraiif wuxuu ka soo laabtay socdaal uu ku tegey magaalada Afgooye, taas oo maalmihii lasoo dhaafay laga qabsaday halkaa.
Af hayeenka AMISOM wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee AP in AMISOM ay dib u celisay weerarka Al- Shabaab, madaxweynuhuna isaga oo nabad qaba uu kusoo laabtay Muqdisho.
Dhinaca kale Ciidamada AMISOM, ayaa ka difaacay weerarka lagu soo qaaday kolanyada gaadiidka Madaxweynaha, kaas dirqi kaga badbaaday weerarkaa, isla markaana Afar ka mid ah Ilaalada madaxweyne Shariif ayaa ku dhaawacmay weerarka ay Al-shabaab la beegsatay, waxaana ku dhintay ugu yaraan mid ka mid ah askarta ilaalada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com