Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Marwada Madaxweyne

 

Siilaanyo iyo xubno wasiiro ah, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay wefti isugu jira qaybaha bulshada iyo aqoonyahanno dalka Norway ah, kuwaas dhawrkii maalmood ee u dnbeeyay ku sugnaa Somaliland.


Weftigan oo ka kooban 12 xubnood oo ka kala socda ururrada bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanno wax ka dhiga qaar ka mid ah jaamacadaha dalka Norway, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yuihiin booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, taas oo ay sheegeen in wax badan ka bedeshay fekerkii ay hore uga haysteen iyo farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici oo ka hadlaya ujeedada booqashada xubnahaa, wuxuu yidhi, “Waxay dalka u yimaadeen iyagoo iskood isu soo xilqaamay inay arkaan jiritaanka dalka Somaliland iyo waaqica ka jira, waxay indhahooda ku arkeen waxay ummadda reer Somaliland qabsatay iyo halkay marayso, waanuna soo dhawaynaynaa oo aad baanu ugu mahadnaqaynaa,”

Marwada kowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed Jirde oo kulankaa ku wehelisay Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadcelisay xubnahaa sida sharafta iyo qadarinta leh ee ay waqtigooda ugu soo hureen inay Somaliland, iyagoo sida ay sheegtay doonaya in ay  ka bartaan dunida inteeda kale, isla markaana u kuur galaan waxa ay Somaliland tahay iyo waxay qabsatay labadaba.

Mss. Marry Tims oo ah Haweenay u hadashay xubnahaa, ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxay tidhi, “Xaqiiqdii maaha markii iigu horaysay ee aan imaado halkan Somaliland sanadkii 2011, ayaan imi. Somaliland waa wadan yar oo ku yaal Geeska Afrika oo dib u dhis, nabadgelyo iyo dumuqraadiyadi ka jirto, waxaana jecelahay in aan soo laabaano iyadoo horumarka Somaliland iyo dadka reer Somaliland horumar intaa ka badan gaadhaan.” Ayay tidhi MSS. Marry Tims.

Waxayna sheegtay in marka laga hadlayo Geeska Afrika aanay xaqiiqdii dunidu wax badan ka ogayn xaalada dhabta ah ee Somaliland, taas oo ay sheegtay in ay ugu wacantahay warbaahinta Aduunka, balse waxay sheegtay in ay wax badan ka fahmeen xaalada dhabta ah ee Somaliland oo ah wadan yar oo ka mid ah Geeska Afrika oo runtii sameeyay horumar dhinaca nabadgelyada, Dumuqraadiayada iyo dib u dhiska, isla markaana ay hadda wixii ka danbeeya wax badan ka bedeli doonaan sawirka warbaahinta aduunka ee ku waajahan Somaliland.

Kulnkaa ka dib Haweenay ka mid ah xubnaha wefdiga ka yimi Norway oo lagu magcaabo Mss. Brit Riise Fredheim, ayaa lacag qadarkeedu dhan yahay $1000 Dollar ugu deeqday cusbitaalka guud ee Hargeysa, taas oo sida ay sheegtay ugu talogashay in lagu caawiyo Haweenka iyo Caruurta Somaliland.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland iyo Marwada Madaxweyne Siilaanyo, waxa kulankaa ku weheliyay xubno Wasiiro ah, kuwaas oo kala ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha – Prof. Faarax Geedoole iyo Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Saxardiid.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *