corruptinctzHargeysa(Araweelo News Network)Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland todobaadkii hore, ayaa lagu tilmaamay Digreeto lagu dhaqangelinayo

 

Ciidanka Iaalinta shirkaddaha Sahaminta Shidaalka Somaliland oo heshiisyada xukuumaddu la gashay yihiin kuwo qarsoon oo muran dhinaca sharciga ah weli ka taaganyahay. Kadib markii xukuumaddu si cad u diiday in aan la horgaynayn golaha wakiilada Somaliland.

Bilawgii hawlaha Baadhista iyo sahaminta Shidaalka waxa si weyn walaac uga dhashay marka laga yimaado muranka dhinaca sharci ee Heshiisyada qaabka loo maamulay qandaraasyada hoose ee deegaamada ay ka hawlgelyaan iyo walaac Bulshada xoolo dhaqatada ee deegaada dhinaca Bari ee la doonayay in laga bilaabo hawlaha sahaminta shidaalka ka muujiyeen khasaaraha iyo khatarta dhinaca deegaanka ee ay sabab u noqon karaan shirkaddahaasi, maadaama aanay jirin wax damaanad ah oo muujinaya qaabka loola xisaabtamayo haddii ay hawlohoodu saamayn nabaad guur ku yeeshaan deegaanadaa oo ah meelaha ugu badan ee ay degan yihiin xoolo dhaqatadu.

Hase yeeshee cabashooyinka la xidhiidhay qaabka loo maamulay mashaarcida qandaraaska shirkaddahaa iyo heshiisyada qarsoon ee xukuumaddu la gashay, ayaa sababay in ay fashilanto hawsha ay wadeen shirkadahaasi ee deegaanada dhinaca Bariga Somaliland, balse mar kale waxa muuqata in ay xukuumaddu iyadoo aan waxba ka bedelin wadadii qaloocnayd ee hore ugu geyaysiisay fashilka dib u raacday, waxaana soo ifbaxaya cabashooyin dhinaca dadka deegaamada la doonayo in laga fuliyo hawlaha baadhista shidaalka iyo muwaadiniinta kale ee Somaliland ka imanaya oo farta ku fiiqaya fashilka ka dhalankara kooxda yar ee ku hoos nool Madaxtooyadda ee lagu naas-nuujiyo qandaraasyada iyo mashaariicda kusoo ururay eexda iyo qaraaba-kiilka, taas oo ay ugu danbayeen sida foosha xun ee loo maamulay Qandaraasyadii u danbeeyay ee la bixiyay, kuwaas oo horseedaya fashil iyo in ay dadka deeganku jawaab cadho ah ka bixiyaan, taas oo sababtay in shirkadihii doonayay in ay hawsha bilaaban ka cararaan dalka, iyadoo dadka deegaanka iyo muwaadiniinta kale ee la socda hawlahaasi is weydiinayaan waxa ka danbayn doona bilawga hawshan sahaminta shidaalka iyo heshiisyada qarsoon ee qaabkan loo maamulay sida ay dhacdooyinka maamul ee sidan ahi u muujin karaan shacbiga in ay ku kalsoonaadaan haddiiba lagu guulaysto in khayraadka Batroolka lasoo saaro iyo waxa damaanad qaadaya in aanu koox yar manaafacaadkiisu u gacan gelin, maadaama aanay jirin waxa xeer ah oo ka yaal iyo damaanad laysku halaynkaro midna.

Si kastaba ha ahaatee heshiisyada qarsoon ee shidaalka ooh ore muran uga abuurmay, isla markaana weli aan xal laga gaadhin sababihii dhaliyay murankaa oo ahaa mid sharci oo la xidhiidha heshiisyada iyo mid la xidhiidhay qaabka loo maamulay qandaraasyada hoose, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen Qandaraaska tababarka ciidanka Ilaalinta shirkaddaha iyo barnaamijka wacyigelinta bulshada ee dhinaca shidaalka oo labadaba la mariyay wadadii hore.

sidaa awgeed  weli waxay u muuqdaan arrmahani kuwo ku socda  jiho khaldan iyo  wadada fashilka ee hore ay ugu hingowday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxdiisa yare e guntiga ku qarsanay heshiisyada dhinaca shidaalka ee lala galay shirkado yar yar oo dilaalin ah, balse waxa la eegayaa natiijada ka dhalata iyo jawaabta ay ka bixiyaan dadka duulaanka lagu yahay deegaamada ay xoolohooda daaqsadaan oo indhaha ku haya fool-xumooyinka maamul ee socda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *