Hargeysa (ANN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka reer Somaliland Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum C/llaahi Askar, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii dhinaca Milateriga ee ururkii dib u xoraynta Somaliland SNM.
sidaana waxa lagu sheegay
Warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay madaxtooyada, kaas oo u dhignaa sidan;- Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii & Asxaabtii uu ka Geeriyooday
MUJAAHID CABDILAAHI ASKAR Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa.
Madaxwaynuhu wuxu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland-na ee uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo Iiman ka siiyo.