images/stories/madaxweyne axmed siilaanyo oo digreeto.bmp Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku ogolaanayo Maxrajka karantiimada Xoolaha ee Berbera. Qoraalka Digreetada Madaxweynaha oo ku taariikhaysan 26 August 2010,

 isla markaana uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse, wuxuu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan;-  “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray Maanta Digreeto uu ku ogolaanayo Maxjarka National Berbera Quarantine.
Markuu arkay:    Qodobka 11aad iyo Qodobka 22aad ee Dastuurka qaranka.
Markuu arkay :  Taladii gudiga kasoo talinta maxjarka cusub ee Berbera.
Markuu dhegaystay:    Ganacsatada kala duwan ee xoolaha dhoofisa.
Markuu  tixgeliyay:  Duruufaha siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee wadanku ku jiro
Madaxweynaha JSL:  Wuxuu ogolaaaday in maxjarka National Berbera Quarantine ka mid noqdo maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyo.
Maxjarkan National Qaurantine Berbera waxuu furmayaa marka lahelo
ruqsad cadaynaysa in xoolaha looga dhoofin karo wadamada khaliijka.
Madaxweynuhu Isagoo tixgelinaya Qaybta 3aad, Qodobka 3.1.1 ee Xeerka Xoolaha ee Qaranka (national veterinary code) wuxuu madaxweynuhu cadaynayaa in gebi ahaanba maxjaradu noqodoonaan hanti qaran mustaqbalka loona celindoono ganacsatada wixii ka galay. Iyadoo  maamulkiisa ay xukuumadu si buuxda u yeelan doonto.
Isagoo tixraacaya taladii gudiga xukuumada ee maxjarka cusub Madaxweynaha JSL wuxuu farayaa wasaarada xanaanada xoolaha deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, maamulka maxjarka iyo dhamaan ganacsada xoolaha dhoofisa in maxjarka shaqeeya ee dawlada loo wada isticmaalo si siman oo cadaalada. waxaana reeban wax kasta oo rebshad ama caqabad ku keeni karta xoolaha dhoofintooda..”
Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ee uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadu.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *