Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay 52-guurada ka soo wareegtay markii calankii ugu horreeyey ee ay Soomaaliyi yeelato laga taagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland 26 June 1960, xiliggaa  oo ay Somaliland

xornimada ka qaadatay Boqortooyada Britain oo muddo sagaashan sano ku dhaw ka talinaysay dalkan.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maalintan oo Berri ku beegan awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaanba shacabka Somaliland oo uu u rejeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo iyo nabadgelyo. Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hambalyo u diray shacabka Somaliland.
War-Saxaaadeed kooban oo uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo shacabka Somaliland hambalyo u diray meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Waxaanu qoraalka War-saxaaafadeedkaasi u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.
Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga   Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid  noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay  inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto,  isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,.
Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay  la masuugin aqoonsiga  ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku  xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan  dawladnimo, dimuqraadiya  oo si wacan u hanaqaaday sidaana  la wada ogyahay loona qirsanyahay.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny  wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal kooban oo uu kaga hadlayo munaasibada maalintan soo saaray, kaas oo u dhignaa sidan: “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa, waxa uu hambalyo iyo boggaadin u diraya shacabka Somaliland guddo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan, munaasibada 52 guuurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26 June. 1960. Waxa uu Illaahay uga baryayaa shacabka Somaliland inay horumar, nabadgelyo iyo barwaaqo ku gadhaan sannad-guuradan sannad-guuradeeda.
Sidoo kaleGudoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hambalyo taas la mid ah ah u diraya madaxweynaha dawladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, anah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee dawladda Jabuuti, iyo dadka reer Jabuuti, isaga oo ka hambalyeyna 27 June, 1977-kii oo ah maalintii ay Jabuuti ka xorowday guumaysigii Faransiiska, waxaannu Ilaahay uga baryayaan inay nabadgelyo iyo horumar ku gadhaan sannadaas sannadkiisa,” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka hambalyada ah.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *