Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba munaasibadda ciidul fidriga darteed, taas oo dunida Islaamka lagaga dhawaaqay caawa. Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku

sheegay dhambaal hambalyo ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Fidriga awgeed.

Madaxweynuhu, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu illaahay ka baryayaa in uu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee ramadaan, innagana uu naarta innagga xorreeyo.

waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.
Madaxweynuhu isaga oo ka faa’iidaysana munaasibada CIIDA barakaysan, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay dhammaan isa-saamaxno, una midoobaan adkaynta nabad-galyada iyo dhismaha QARANKA SOMALILAND…. saamax-naakum.

Sidoo kale maalinta beri ah ayuu madaxweynuhu Khudbad u jeedin doonaa bulshada Somaliland, Salaada Ciidal Fidriga ka dib.CIID MUBAARAK … CIIMUBAARAK ….. CIID MUBAARAK “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR” ayaa lagu yidhi qorsalka Madaxweynaha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *