London(ANN)Kulanka Saacadaha socday ee lagaga hadlayay qalalaasaha Somalia iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, waxa ka qaybgalay  In ka badan Konton Hogaamiye oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah weftigii

 

qaran ee uu Hoggaaminayay ayaa ka qayb galay Shir balaadhan oo ay dawlada Britain maanta kusoo gebagebaysay Xarunta Lancaster House ee Magaalada London.
Shirkaa oo ujeedadiisu ahayd sidii mushkilada Somalia xal waara loogu heli lahaa, isla markaana laga soo saaray go’aamo ka kooban 26 qodob oo lagu fulinayo qorshaha beesha Caalamka ee arrimaha Somalia, waxa  Madaxweynaha Somaliland la fadhiisiyay safka hore ee miiska Shirka,  iyadoo hortiisana ay ugu qornayd Somaliland.


Madaxwayne Axmed Siilaanyo wuxuu salaamay Xoghayaha Guud ee Qaramaad Midoobay Ban Ki Moon,Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ,Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga,iyo Hogaamiyayaal aad u tiro badan oo Shirkan ka qayb qaadanayay , kuwaas oo qaarkood dananynayeen Somaliland iyo sida uu furitaankii ugu xusay khudbadiisa raysal wasaaraha Britain. Furitaankii shirka ka dib waxa  uu kulanka shirku ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo ay saxaafadu debeda ka joogto sida qorshuhu ahaa. 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay  kulanka albaabada loo xidhay oo doodo iyo qudbado  lagu faaqidayay shirkaas galabta, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo madashaa ka hadlay  qudbadiisa  ka waramay Sooyaalkii taariikheed ee Somaliland waxaanu u cadeeyay ergada in Jamhuuriyada Somaliland ay xornimadeeda la soo noqotay muddo labaatan sannadood ka hor ah taas oo ku timid rabitaanka Shacbiga Somaliland, isagoo  xusay inay qadarinayaan go’aanka Shacbiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay nabadgalyo laga yagleelo dalka aynu dariska nahay ee Somalia ee qalalaasuhu halakeeyay waxaanu hoosta ka xariiqay in xalku aanu ku jirin maamul dusha sare lagaga keeno balse ay aragtida Somaliland tahay in hoosta laga soo unko dib u dhiska Wadanka Somalia iyadoo la raacayo ayuu yidhi qaabkii ay Somaliland wax u samaysatay.
Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waxa kale oo uu sheegay in aqoonsi Somaliland ay hesho uu wax badan ka qaadan karo degenaanshaha iyo dib u dhiska dawladnimada Somalia.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu si faahfaahsan u sharaxay dariiqa ay Somaliland ku gaadhay horumarka ay ku talaabsatay iyo hirgelinta hanaanka dimuquraadiyadeed iyo doorashooyinka xorta ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu sheegay in Xuduudaha Somaliland ay ku eeg yihiin kuwii laga dhaxlay maxmiyadii ingiriiska ee Xukumayay Somaliland ka hor Lixdankii.


Dhinaca kale marka laga yimaado Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” iyo Weftiga uu hogaaminayo waxaa kale oo shirkaas ka qayb galay Madaxwaynaha dalka Tanzania, Jakaya Mrisho Kikwete ,Madaxwaynaha dalka Nigeria, Jonathan Goodluck ,Madaxwaynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza,Madaxwayanha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxwaynaha Seychelles, James Michel Madaxwaynaha Uganda, Yuweri Museveni , Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ,Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi Ra’iisul Wasaaraha Mauritius, Dr Navinchandra Ramgoolam .Wasiirka arimaha dibedda Koonfurta Africa Ms Maite Nkoana Mashabane, , Guddoomiyaha AU Jean Ping, Xoghayaha guud ee Ururka Islaamka , Wakiilaka sare ee Midowga Yurub ugu qaabilsan arrimaha dibadda iyo ammmaanka Catherine Ashton.Xoghayaha dibedda Maraykanka, Hilary Clinton, ayaa hadda gashay shirka. , Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Japan Mr Ryuji Yamane Madax isugu jirta madaxwaynayaal, raiisul wasaarayaal, wasiirro iyo Ururo caalami ah.
Shirkan oo fiidnimadii caawa la soo gabo gabeeyay ayaa waxaa ka hadlay xidhitaankiisii Ra’isal wasaaraha dawlada Ingiriiska David Camaroon oo sheegay in Mustaqbalka dheer ee Somalia uu ku xidhan yahay doonitaanka siyaasadeed oo ah in la dhiso dawlad cusub waxaanu xusay inay taageerayaan go’aanka ku saabsan in la soo afjaro hanaanka ku meel gaadhka ah ee Somalia .
Waxaa kale oo Gunaanadkii shirkaas laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 26 qodob oo ku wajahan xaalada dalka aynu dariska nahay ee Somalia iyo doorka ay beesha caalamku ka qaadan karto dib u soo celinta nabadgalyo buuxda oo dalkaasi lagu soo dabaalo,la dagaalanka argagixisada iyo arrimo kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *