https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment?view=att&th=135aa25e31b3e30f&attid=0.2&disp=inline&safe=1&zw&sadnir=1&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1330018753118&sads=CKZR5UJbmXI8dlIwjcYwbheHyWg&sadssc=1London (JANN)- Dawladda Ingiriiska, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xadiga dhaqaallaha ay Jamhuuriyadda Somaliland ku caawin doonto saddexda sanno ee soo socda, iyada oo labada dawladood kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo dhexmara, isla markaana Britain si cad u sheegtay inay sii

xoojinayso xidhiidhka Somaliland ay la leedahay
Sida lagu faafiyey bogga Inernet-ka wasaaradda khaarajiga Britain, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska William Hague oo maalintii shalay ka hor intii aanu shirku furmin  kulan la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shaaciyey in saddexda Sanno ee soo socda ay Somaliland ku caawin doonaan lacag gaadhaysa 105 milyan oo giniga Ingiriiska ah si wax looga qabto horumarka, xallinta faqiirnimada iyo sare u qaadida xasiloonida iyo dimuqraadiyadda.
“Aad baan ugu faraxsanahay in aan arko madaxweyne Siilaanyo oo magaalada London kaga qaybgalaya shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo, Somaliland waxay leedahay casharo qiimo leh oo ay khibradeeda kula wadaagi karto dhismaha nabadda iyo dimuqraadiyadda. Waan soo dhawaynayaa ka qaybgalka madaxweyne Siilaanyo ee shirka London, aad baanan ugu hanweynahay iskaashiga sii socda ee Somaliland ka samaysay la-dagaalanka budhcad-badeeda iyo argagixisadda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Britain.

Dhinaca kale qoraal saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Somaliland, kulanka shirka ka hor dhexmaray  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Ingiriiska, Mudane William Hague iyo Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Ingiriiska, Mudane William Hague.  Kulankaas oo lagaga wada xaajooday xoojinta xidhiidhka labada waddan, khaasatan sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay wadama caalamka.
Dawlada Ingiriisku waxay balanqaadeen inay Somaliland ka caawin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay waddamada caalamka. Wasiirka Ingiriiska waxa kulanka ku wehelinayay dhiniciisa madax sare oo ka socota Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska.  Wasiirku wuxu ugu Mahad-naqay Somaliland ka qayb galka Shirka maanta dhici doona.
Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Ahmed Maxamed Silaanyo, wuxu dhankiisa uga xog waramay xaalada Somaliland halka ay maanta marayso iyo in Somaliland Ingiriiska uga fadhido taageero dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, taasoo kor u qaadaya qadiyada Somaliland, Madaxwaynuhu wuxu uga mahad celiyay dawlada Ingiriiska casuumada ay u fidisay inay Somaliland shirka ka soo qayb gasho.  Madaxwaynaha waxa kulankaa ku weheliyay Dr. Maxamed  Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada.
Kulankanu wuxu ku dhamaaday is afgarad iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka laba Waddan ka dhexeeya dhinaca Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamka.” ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *