Hargeysa(ANN)Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta magacaabay Guddida dhinacooda uga qaybgelay wadahalada dhexmaraya Somaliland, kuwaas oo ka kooban 7 xubnood, isla markaana maanta u duulay dalka Britain oo ay ku balansan
yihiin dhigooda guddida dhinaca Somaliland ee Madaxweynaha somaliland dhowaan magcaabay.Gudiga uu magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/samad Macalin Maxamuud, waxaana xubno ka ah wasiirka maaliyadda, wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta, wasiirka arrimaha dibadda iyo xubno kale.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed gudida uu magcaabay oo maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdishio ee Aadan Cadde, ayaa ka hor inta aanay kula kulmin London gudida dhigooda ah ee xukuumadda Somaliland uga qaybgelaya wada hadaladaa, waxay kusii hakan doonaan magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, hakaas oo ay kaga qeyb gali doonaan shir ay yeelanayaan madaxa wadamada Africa.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ooh ore u magcaabay guddi ka kooban shan wasiir oo uga qaybeglaya dhinaca Somaliland wadahadalaa ayaa maanta qudbad uu ka jeediyay shirkii sadexaad ee xibsiga Kulmiye oo lagu qabtay Hargeysa ka sheegay inay xubnaha wasiirada ahi yihiin gogolxaadh, balse uu magcaabi doono gudi heer qaran ah oo uga qaybeglaya dhinaca Somaliland marka lasoo diyaariyo qaabka wadahadalku noqonayo iyo waxyaabaha laga wada hadlayo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com