Ethiopia(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee maanta Somaliland ka qabsoomay, isla markaana ku tilaamamay wax ku dayasho mudan hanaanka doorashooyinka Somaliland, isagoo u rajeeyay

doorashada inay cadaalad ku dhammaato.

Madaxweynaha  Somalia waxa uu sheegay doorashooyinka Goleyaasha deegaanka Somaliland oo  markii labaad ka qabsoomaya Somaliland ay sii xoojinayaan nidaamka dimuqraadiyadeed ee ka jira,  isla markaana ay tusaale u noqon doonto dalkiisa Soomaaliya.

wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Dadka reer Somaliland iyo dawladoodaba waan ugu hambalyeynayaa inay soo gaadhaan heer ay dadku codkooda bixiyaan oo ay kala doortaan cidii talladooda qaban lahayd. Hawshaasi waa hawl horumar leh,”ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u waramayay Laanta afsoomaaliga ee VOA-da, isagoo booqasho ku maraya  dalalka Ethiopia iyo Djibouti.

“Waa hawl weyn oo aan ku bogaadinayno waxaanan u rajaynaynaa inay doorashadaasi si nabad ah oo xor ah u dhacdo, isla markaana ay hore u sii waddo qaabkii dimuqraadiyadda oo ah wax ku dayasho mudan.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia waxa uu sheegay inay dawladiisu sii
waday dhinacooda wada xaajoodyadii hore ugu bilaabmay dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya, wuxuuna ishaaray inay kulamadaa  ka soo bixi doonto natiijo ay ku qancaan laba shacab oo ay raali ku yihiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *