Hargeysa(ANN)Goobjoogayaal caalami  ah oo ka socday in ka badan sideed iyo toban dal oo  dusha kala socday doorashadii golaha Deegaanka ee Somaliland ayaa ka hadlay qaabkii ay u dhacday doorashadu.

Goobjoogayaasha caalamiga ah ee kormeerayay doorashada oo maanta shirjraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyay warbixin hor dhac ah oo ay kaga hadleen hanaankii ay doorashadaasi u dhacday.

Kormeerayaashan caalamiga ah oo ka kala socday sideed iyo Toban wadan ayaa sheegay inay u suuro gashay inay booqdaan 20% goobahii codbixinta indhahoodana ay ku arkayeen sida ay doorashadu u socoto.
Kormeerayashu waxay shir jaraa’idkooda ku sheegeen inay fursad u heleen inay lugahooda ku tagaan 15 Degmo oo ka mid ah 21-ka Degmo ee ay ka dhacaysay codbixinta doorashadu.

Mr. Goobjoogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socday qaabkii u qabsoontay doorashadii golaha Deegaanka ee Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta Hargeysa ku qabteen ku soo bandhigay warbixin hor dhac ah oo ay kaga hadleen hanaankii ay doorashadaasi u dhacday.

Kormeerayaashan caalamiga ah oo ka kala socday sideed iyo Toban wadan ayaa sheegay inay u suuro gashay inay booqdaan 20% goobahii codbixinta indhahoodana ay ku arkayeen sida ay doorashadu u socoto.
Kormeerayashu waxay shir jaraa’idkooda ku sheegeen inay fursad u heleen inay lugahooda ku tagaan 15 Degmo oo ka mid ah 21-ka Degmo ee ay ka dhacaysay codbixinta doorashadu.

Mr.Steve Kibble oo ah Xidhiidhiyaha kormeerayaasha ayaa caddeeyey in doorashadii Golaha deegaanku ay u qabsoontay qaab xasiloon oo waafaqsan nadaamka laga doonayey inay u dhacdo doorasho nooceeda ah, waxana ammaan u jeediyey gudiyada Doorashada ee Heer qaran, Heer Gobol, Heer Degmo iyo Heer Goob Doorasho sidii ay ugu dhabar adaygeen hawsha baaxadda lahayd.

Xidhiidhiyaha Kormeerayaasha caalamiga ah ee Doorashooyinka Somaliland waxa uu sheegay in shir saxaafadeedka kama dambayska ah ee ay kaga warami doonaan doorashada,taas sida uu sheegay ay warbixin rasmi ah kasoo saarayaan maalinta Sabtida ah ee soo beegan.e Kibble Xidhiidhiyaha kormeerayaasha ayaa waxuu halkaa ka caddeeyey in doorashadii Golaha deegaanku ay u qabsoontay qaab xasiloon oo waafaqsan nadaamka laga doonayey inay u dhacdo doorasho nooceeda ah, waxana ammaan u jeediyey gudiyada Doorashada ee Heer qaran, Heer Gobol, Heer Degmo iyo Heer Goob Doorasho sidii ay ugu dhabar adaygeen hawsha baaxadda lahayd.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *