Garoowre(Araweelo News Network) Madaxweynaha Maamul gobleedka Somalia ee Puntland Cabdiraxmaan Farroole, ayaa sheegay in dawlada Turkigu kaga baxday balanqaadyo dhinaca mashaariicda ah
oo ay hore ugu balanqaaday.
Farroole oo maanta ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe , wuxuu sheegay in dawlada Turkigu ka baxday Mashaariic Horumarineed oo ay ku balansanaayeen inay ka ka fuliso Deegaanada iyo Degmooyinka maamulkiisu ka taliyo ee Puntland, wuxuuna xusay in dawlada Turkiga ay u siman yihiin dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, balse waxa uu ku eedeeyay dawlada Turkiga inay xoogga saartay magaalada Muqdisho, isla markaana ay ilaabeen balanqaadyadii shacabka ku nool Puntland.
Dawlada Turkiga ayaa mashaariic waaweyn ka fulisay magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn uga muuqda Caasimada Somalia ee Muqdisho oo burbur weyn ka dib labaatan sanadood ka dib markii u horaysay laga fuliyay mashaariic dhinaca horumarka ah. Sidoo kale dawlada Turkiga ayaa taageeradii ugu weynayd ka geystay Koonfurta Somalia kadib abaaro iyo macaluul ka taagnaa halkaa sanadkii 2011