Raysal Waasaaraha Somalia Oo Ka Wer-wersan In Baarlamaanku Diidaan Xukuumaddiisa CusubMuqdisho(Araweelo News Network)Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa majeertay horumarka Somaliland, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay wada hadalada labada

 

dawladood ee Somaliland iyo Somalia oo uu sheegay in aakhirka wadahadalladu ku dhammaan doonaan Afti laga qaado dadweynaha Somaliland, balse aanu jirin xal kale oo kasoo muuqda.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia Eng. Yariisow waxa uu sheegay in sii socoshada wadahadaladu yihiin sidii loo soo celin lahaa kalsooni, balse ay adag tahay in madaxda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna go’aan buuxa ku gaadho, “Labada dhinacba waad dareemi kartaa oo Siilaanyo kuma dhiirranayo inuu yidhaa annagu Soomaaliya waxaannu ula hadlaynaa in aannu la midowno, dawladda federaalkuna ma odhan karto waxaannu ula hadlaynaa in aannu aqoonsi siinno, markaa sidee xal loo gaadhi karaa, Ugu yaraan wadahadalladu waxay keenayaan in dadka labada dhinac fahmaan waar waxani waa wax labada dhinac ka wada dhexeeya oo u baahan in xal la gaadho oo hadhow xalka way sahlaysaa, waayo marbaaba jirtay aanay macquul ahayn in madaxweyne Somaliland ah ku dhiirrado inuu la hadlo amma miis la fadhiisto (Soomaaliya). Ayuu yidhi Eng Yariisoow o ah Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya oo waraysi siiyay Warbaahinta Muqdisho.
Wuxuuna  isagoo ka hadlaya fekerkii siyaasiyiinta Muqdisho had ka hor aaminsanaayeen sheegay in ay mararka qaar jirtay in  madaxda Somalia ay mar walba odhan jireen midnimadu waa muqadas oo lagama wadahadli karo,, balse waxa uu sheegay in aanay hadda arrintu sidaa ahayn.

“Haa, waa qasab way imanaysaa aftidu, ugu dambaynta sida wadahadalka loo wado waxa imanaysa afti la qaado sida adduunku yahay oo shacabku wax kala go’aamiyo.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia oo la waydiiyey in xukuumaddoodu ku dhiirran karto Afti dadweyne oo laga qaado shacabka Somaliland , wuxuuna ammaanay heerka dhinaca horumarka Somaliland gaadhay ee dumuqraadiyada iyo nidaamka ay qaadatay ee xisbiyada badan oo uu ku tilmaamay mid layaab ku ah dunida oo ah mid ku dayasho mudan. “Somaliland  marka la eego nabadda, dhanka dimoqraadiyadda oo ah xisbi xisbi kale ku wareejinaya talada. Runtii waa shaqo aan caadi ahayn oo meeshaasi ka dhacday. Marka la leeyahay Soomaalidu way wada xun tahay maaha, way jiraan dad fiican, laakiin iyaguna cillad kale ayey leeyihiin oo waxa la rabay inay Putland iyo Sool iyo Sanaag ay dadaal badan geliyaan, halka caalamka laga geliyey dadaal badan, 20-kaa sanno haddii ay dadaalka gudaha gelin lahaayeen maanta heerka ay joogaan mid ka fiican ayey joogi lahaayeen Somaliland ayaan qabaa” ayuu yidhi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *