baarlamaanka Somalia 1Muqdisho(Arraweelo News)Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

232 xildhibaan ayaa kasoo xaadiray fadhigaa, waxayna ka hor intii aanay u codayn ka doodeen barnaamijka Ra’iisul Wasaaraha cusub uu soo bandhigay, iyagoo markaa kadib xubnaha baarlamanaku ay cod u qaadeen xukuumadda.

186 ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa oggolaaday Golaha Cusub ee Wasiirrada, halka 46 xubnood ay diideen, midna uu ka aamusay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha ee todobaqadkii hore ku dhowaaqay dawladda cusub oo ka kooban 25 Wasiir, 5 Wasiiro Dawle iyo in ka badan 20 Wasiir Ku Xigeenno ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *