dawladood ee Somaliland iyo Somalia oo uu sheegay in aakhirka wadahadalladu ku dhammaan doonaan Afti laga qaado dadweynaha Somaliland, balse aanu jirin xal kale oo kasoo muuqda.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia Eng. Yariisow waxa uu sheegay in sii socoshada wadahadaladu yihiin sidii loo soo celin lahaa kalsooni, balse ay adag tahay in madaxda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna go’aan buuxa ku gaadho, “Labada dhinacba waad dareemi kartaa oo Siilaanyo kuma dhiirranayo inuu yidhaa annagu Soomaaliya waxaannu ula hadlaynaa in aannu la midowno, dawladda federaalkuna ma odhan karto waxaannu ula hadlaynaa in aannu aqoonsi siinno, markaa sidee xal loo gaadhi karaa, Ugu yaraan wadahadalladu waxay keenayaan in dadka labada dhinac fahmaan waar waxani waa wax labada dhinac ka wada dhexeeya oo u baahan in xal la gaadho oo hadhow xalka way sahlaysaa, waayo marbaaba jirtay aanay macquul ahayn in madaxweyne Somaliland ah ku dhiirrado inuu la hadlo amma miis la fadhiisto (Soomaaliya). Ayuu yidhi Eng Yariisoow o ah Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya oo waraysi siiyay Warbaahinta Muqdisho.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya fekerkii siyaasiyiinta Muqdisho had ka hor aaminsanaayeen sheegay in ay mararka qaar jirtay in madaxda Somalia ay mar walba odhan jireen midnimadu waa muqadas oo lagama wadahadli karo,, balse waxa uu sheegay in aanay hadda arrintu sidaa ahayn.
“Haa, waa qasab way imanaysaa aftidu, ugu dambaynta sida wadahadalka loo wado waxa imanaysa afti la qaado sida adduunku yahay oo shacabku wax kala go’aamiyo.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia oo la waydiiyey in xukuumaddoodu ku dhiirran karto Afti dadweyne oo laga qaado shacabka Somaliland , wuxuuna ammaanay heerka dhinaca horumarka Somaliland gaadhay ee dumuqraadiyada iyo nidaamka ay qaadatay ee xisbiyada badan oo uu ku tilmaamay mid layaab ku ah dunida oo ah mid ku dayasho mudan. “Somaliland marka la eego nabadda, dhanka dimoqraadiyadda oo ah xisbi xisbi kale ku wareejinaya talada. Runtii waa shaqo aan caadi ahayn oo meeshaasi ka dhacday. Marka la leeyahay Soomaalidu way wada xun tahay maaha, way jiraan dad fiican, laakiin iyaguna cillad kale ayey leeyihiin oo waxa la rabay inay Putland iyo Sool iyo Sanaag ay dadaal badan geliyaan, halka caalamka laga geliyey dadaal badan, 20-kaa sanno haddii ay dadaalka gudaha gelin lahaayeen maanta heerka ay joogaan mid ka fiican ayey joogi lahaayeen Somaliland ayaan qabaa” ayuu yidhi.