Hase yeeshee Afhayeenka Madadxtooyada Somaliland C/llaaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa manta shir jara’id ku qabtay xarunta madaxtooyada jawaab ka bixiyay eedahaa siyaasadeed ee gudoomiye xigeenka Koowaad u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Af-hayeenka Madaxweyne Siilaanyo C/llaahi Maxamed Daahir (Cakuse ), waxa uu ku tilmaamay canbaarayntaa mid ka durugsan milgihii lagu yaqaanay Dr. C/raxmaan C/qaadir, isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid maanta dib ugu laabtay, wax uu ugu yeedhay qabyaalad, isagoo dhinaca kalena difaacay Af-hayeenku in aan Madaxweyne Siilaanyo weli aanay ku tilmaamin kuwa siyaasad ahaan ka soo horjeedaa qabyaalada uu ku tilmaamay, isagoo ahaa dadkii mudada dheer la soo shaqeeyey Madaxweynahana, “waxan leeyahay illaahay nabar gardaro hawga dhigo waanan ka tacsiyaynayaa Madaxweynaha” ayuu yidhi Af-hayeenka Madaxweyne Siilaanyo.
C/llaahi Cakuse waxa uu ku dooday inaan Madaxweyne Siilaanyo weli lagu xaman nin qabyaali ah, waanan ka xunahay arrintaa maanta saaxiibkii kaga timi ayuu yidhi.
“Cabdiraxmaan cabdiqaadir waxaan u haynaa asxaan waa gudoomiye kuxigeenkii xisbul xaakimka waxaanan leenahay soo dhawoow ayuu yidhi.Af-hayeenku, Wuxuuna wax kasoo qaatay taariikhdii xooganayd ee ka dhaxaysay Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ilaa waqtiyadii SNM, isagoo ugu danbayntii sheegay inuu usoo jeedinayo Gudoomiye xigeenka Kowaad ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir inuu raaligelin ka bixiyo ereyadii uu warbaahinta siiyey, isla markaana ugu baaqayo inuu ku soo noqdo xayndaabka milgaha iyo wanaaga siyaasada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1