Dhismaha Briijkaa oo laga hirgelinayo duleedka xarunta dawlada hoose ee hargeysa ayaa isku xidhaya Maxamuud Haybe iyo gacan Libaax ee dhinaca Bari, kaas oo wax weyn ka taraya isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimada.
Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhawaynayo dhagax dhiga Biriijkan oo wax weyn ka tari doona isu socodka caasimada, wuxuuna u mahad celinayay Hay’adda RAAF oo ah Hay’ad kahayri ah oo ay wakiil u yihiin jamciyada Manhal iyo wakaalada horumarinta wadooyinka oo dedaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa guud ahaan wadooyinka dalka.
Maayarku wuxuu sidoo kale sheegay in ay hirgelinta Briijkaa iska kaashanayaan Hay’adda RAAF, Dawlada Hoose iyo Hay’adda wadooyinka Somaliland.
Injineerka dawlada Hoose Eng Axmed Aadan oo ka hadlay halkaa ayaa sheegay in dhismaha Briijkaa ay ku bixi doonto lacag dhan 500, 000 oo dola, iyadoo Afar boqol oo kun oo dolar oo ka mid ah lacagtaa ay ku deeqday Hay’adda samo falka khayriga ah ee RAAF oo soo wakiilatay Hay’adda samofalka ee MANHAL , halka 50. 000 kun oo ka mida ay bixn doonto wakaalada horumarinta wadooyinka Somaliland oo uu sheegay in ay bixinay Dawlada Hoose ee Hargeysa.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com