Garoowe(Araweelo News Network) Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Alshabaab, kaas oo sida ay sheegeen lagu qabtay howlgal balaadhan oo
ay Magaalada Boosaaso ka fuliyeen ciidanka amaanku.Sidaana waxa saxaafada u sheegay Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan, wuxuuna ku tilmaamay howlgalka ninkaa lugu soo qabtay in uu ahaa mid qorshaysan oo shalay ay fuliyeen, kaas oo isku dayay in uu is difaaco laakiin waxa uu sheegay in Ciidamda amnigu u awood sheegteen, isagoo sarkaalka la qabtay ku hubaysnaa bostoolad iyo bambaanooyin .
Ninka la qabtay oo Wasiirka amniga sheegay in uu yahay madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee masuulka ka ahaa dilalkii ka dhacay Puntland, kaas oo sida uu xusay in lugu soo tababaray Gobalada Koofurta Soomaaliya.
Howlgalka lugu soo qabtay ninkaa oo shalay dhacay Boosaaso ayaa sababay dhimashada hal qof oo shicib ah, kaas oo ay haleeshay risaastii la isku ridayay, iyadoo dhinaca kalena aad loo adkeeyay amniga Mgaaalada Boosaso.