Hargeysa(ANN)Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa saaka kulan la yeeshay markii ugu horaysay tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaaqii natiijada doorashada madaxweynii hore ee uu ka guulaystay Daahir Rayaale Kaahin.

Warar ku dhaw dhaw kulankaa oo ka dhacay qasirga madaxtooyada Somaliland ayaa u xaqiijiyay shebekada wararka ee araweelonews inuu ahaa mid booqasho gaaban ah, kaas oo ku kaabnaa salaan uu madaxweynaha cusubi ugu tegey madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo weli xilka sii haya.

 

 

 

 

Kulanka  Madaxweynaha Cusub iyo Madaxweynaha xilka sii haya oo qaatay waqti kooban ayaa la sheegay inuu gogol xaadh u ahaa kulan danbe oo ay yeeshaan ka hor inta aanay xilka la kala wareegin todobaadyada soo socda.  

Madaxweynaha laga guulaystay iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa warar shebekada wararka ee araweelo news heshay u sheegeen inay  maalinta berito ah  balameen  kullan labaad, kaas oo  la filayo inuu muddo saacado ah qaato oo ay labada hogaamiye  iskaga xaal-waraysan doonaan arrimmo badan oo qaranka Somaliland khuseeya iyo sidii ay xilka ula kala wareegi lahaayeen.

 Madaxeynaha cusub ayaa magcaabay shalay gudiyo kala duwan oo ka kooban saddex guddi,  kuwaas oo hawlo kala duwan loo xilsaaray.

 

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *