Kulankaa oo ka dhacay Tuulada Xaraf ee duleedka dhinaca Koonfur galbeed ee Maaalada Hargeysa oo aanay ujeedadiisa haweenka ka qayb galay si rasmi ah ula socon ujeedadiisa dhabta ah, ayaa markii ay goobta tageen haweenkaa si weyn uga cadhaysiiyay, ka dib markii ay si weyn u kala fogaadeen wixii loo sheegay iyo wixii ay kala kulmeen masuuliyiintii ay halkaa ugu tageen ee ka socday xukuumada iyo xisbigeeda UDUB.
Qaar ka mid ah haweenkaa oo shabekada araweelonews la kulantay ayaa u sheegay in markii hore lagu wargeliyay in haweenkii lacagta sheerarku ka maqnayd ay halkaa kula kulmayaan Wasiirada Arimaha Qoyska Somaliland Faadumo Suudi, isla markaana laga wada hadli doono sidii haweenkaa lacagtoodii ay xisbiga UDUB u bixin lahaayeen, balse shuruuda lagu xidhayaa ay tahay inay codkooda siiyaan doorashada Madaxtooyada Xisbiga UDUB.
Laakiin sida ay xuseen qaar ka mid ah haweenka ka qayb galay shirkaasi ay la kulmeen khiyaamadii iyo lugooyadii ugu weyneyd intii ay ku jireen dacwadaha iyo rafaadka ay ku baadi goobayaan xaqoodii, ‘’Waxaanu ahayn anagu ilaa Lixdan dumar ah oo kuwii lacagtu ka maqnayd ah, khamiistii ayaa nalagu war geliyay in maalinta Jimcaha dumarkayagii lacagtu ka maqnayd laga doonayo Xaraf oo ay halkaa kula kulamayaan Wasiirada Qoyska, iyadoo qof walba wixii ka maqan la siinayo, waxaa subaxdii Jimcaha nalagu guray Basas, markii aanu Xaraf tagnayna, waxanu ugu tagnay xoghayaha UDUB Jaamac Yaasiin (Jugsoo dhacay) iyo Badhasaabka Ina Cabdi Daa’uud, waxa nalagu yidhi, “saw ma tihidin dumarkii kasoo baxay KULMIYE”, waxanu u sheegnay in aanaan xisbi kasoo bixin ee aanu nahay dumarkii lacagta sheerarku ka maqnayd, waxay nagu yidhaahdeen, “yaa idiin yeedhay anagu idiinma yeedhine”, Wasiiradiina maanu arag oo meesha may joogin, arrintaa dumarkayagii meesha tegey aad ayaanu uga cadhoonay, weliba Ninka Badhasaabka sheeganayay si xun ayuu noola hadlay. Laakiin Xoghayaha ayaa si fiican noola hadlay oo nagu yidhi, “Afkiina iyo mabda’iina xorbaa u tihiin ee waxaa doontaan yeela, markaa ayaanu ka erinay TV-gii qaranka ee la doonayay in nalagu sawiro oo kii kale u yeedhanay, waxaanuna ka waranay wixii meesha na keenay iyo sidaanu ku nimi. ”
Sidaa waxa tidhi Nimco Maxamed Cali oo ka mid ahayd haweenka kulankaa tegey, waxayna iyadoo ka hadlaysa arrintaa tidhi, “waxay ahayd lugooyadii ugu weynayd ee ay UDUB noo geysato dadkayagaa masaakiinta ah ee hantidoodii maqan tahay, taa waxa nagaga daran maxkamadda oo maalin walba garsooruhu markuu yidhaahdo beri ayaan xukunkii ku dhawaaqayaa ayuu hadana subaxda danbe yidhaahdaa “arji soo qorta” inta UDUB lasoo hadasho. Hadase waxaa noo cadaatay in lacagtaydii sidii aanu awalba tuhunsanayn UDUB haysato oo islaantiina lagu qarinayo Madaxtooyada.”
Mashruuca loogu magacday Jiif oo Jaq, ama fadhi ku Macaashka oo dhawr sannadood ka socday Somaliland ayaa mar keliya hawada ka baxay horaantii 2009, waxaana waqtigaa soo baxay boqolaal qof oo u badan haween oo saamiyo sheerar ku lahaa, kuwaas oo madaxa isla galay, isla markaana si weyn isugu murgay markii ay waayeen meel loo raaco malaayiin dollar oo ay sheeganayeen dadkii lacagaha laga uruurun jiray, waxaana waqtigaa buuxsamay saldhigyada oo mudo dhawr bilood ah dacwado iyo muran ku saabsan lacagaha ka maqan haweenkaasi ka socdeen. Sidoo kale waxa mudooyinkaa uu mashruucani sabab u noqday oo galaaftay burberka boqolaal qoys. Ka dib markii qaar ka mid ah haweenkaa ragoodii ku war heleen dacwadaha lacagta ka maqan iyo sheerarka ay ku jireen ee aanay waxba kala socon.
Laakiin in ku dhow kontoneeyo haween ah ayaa markii danbe loo taxaabay xabsiga magaalada Gebiley, kuwaas oo horaantii April 2010, lasoo daayay todobadii dumarkaa ugu danbeeyay, iyadoo aan la hayn haweenaydii maamulaha mashruucaa ahayd oo iyada aan meel ay ku nooshahay si cad loo ogayn, wixii ka dabeeyay markii uu 2009 soo Af-go’ay mashruucani.
Mudo yar ka dib markii lasoo daayay haweenkii ugu danbeeyay ee u xidhnaa mashruucaa bishii hore April 2010, waxa soo baxay sheekooyin ay haweenka lacagahaasi ka maqan yihiin isku maaweelinayeen oo ahaa in lacagohoodii la siinayo dhowaan, isla markaana ay hawshu sidii hore u socon doonto oo ay sheerarku halkoodii ka bilaabmayaan, balse dumarkii dacwooday lagula xisaabtamo wixii ay ka qabeen lacagtoodi. Kadibna wixii usoo hadha la siin doono oo aanay iyagu sheer danbe ku yeelan doonin mashruucaa fadhi ku macaash. Laakiin sheekaddaa ayaa noqotay mid aan waxba ka jirin. Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in marka laga reebo haweenaydii maamulaha ahayd ee la waayay todobada xubnood ee ugu sareeyay haweenkaa mashruucaa madaxda ka ahaa ay todobaadkii tegey balan qaadeen in mudo kooban loo qabto si ay u keenaan haweenaydii ugu saraysay ee maamulaha ka ahayd mashruuca Jiif oo jaq ee la waayay. Laakiin qaar badan oo ka mid ah dumarkaa ayaa xal u helida mushkilada ka taagan lacagahaa sheerka iyo helitaanka xaqoodiiba ka muujinaya rajo aad u yar, kuwaas oo ku doodaya in aan natiijo laga gaadhayn mushkiladahaa haysta haweenka xaqoodii maqan yahay ilaa nidaamka dalka wax iska bedelaan, maadaama ay haween badan oo ka mid ah kuwa wax ka maqan yihiin ay rumaysan yihiin inay xukuumada Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB lug ku leeyihiin oo aanay dadkaa woxoodii u baadi doonin, isla markaana waxay haweenkani rumaysan yihiin in kiisaska dacwadaha ee lagu kala bixi lahaa ay fara gelin ku samaynayaan oo ay dumarka dhibaatadu haysato doonayaan inay uga faa’idaystaan kaanbayn siyaasadeed xukuumda Rayaale iyo xisbigeeda UDUB.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com