Maalmihii kaanbaynka xisbiga oo ay xaraarada isbedel doonku maraysay meel aad u saraysa gudo iyo debedba waxa muuqaalkooda mar keliya lagu war helay koox si fiican saaxada siyaasada xisbiga Kulmiye looga arkayay koox caan ku noqotay munaasibado weji ku macaash ahaa
laakiin loo arkayay inay lagama maarmaan u yihiin kaanbaynkii waqtigaa socday, kuwaas oo kharashaad badani kaga bixi jiray xisbiga. Kooxdaa oo magacoodu maalmahaa soo ifbaxay waxa loo bixiyay “Macaan Jecel”, waxayna dad badani rumaysan yihiin inay macaash baddan iyo aduun ka heleen dhaqaalihii faraha badanaa ee xisbiga kaga baxay kaanbaynka oo aan ilaa hada dib loo xisaabin wax xisaab celin ahna laga samayn.Hase yeeshee waxay dad baddan oo doonayay guusha xisbiga iyo isbedelku indhaha ka lalinayeen kooxdaa “Macaan jecel’. Sidoo kale saxaafada qaarkeed iyo suxufiyiinta qalinka wax ku tilmaama ayaa iyaguna indhaha ka lalinayay kooxdaa, kuwaas oo u arkayay in aan waqtigan loo baahnayn in farta lagu fiiqo, si aanay uga leexin ujeedooyinka iyo hadafka guud ee la doonayay in la gaadho oo ahayd in cod lagu bedelo kooxdii maamulka Rayaale ee dalka iyo dadkaba gaadhsiiyay meel halis ah iyo raja xumadii taagnayd xiligaa.
Laakiin waxa la filayay xiliga guusha ka dib laba arrimood oo ahaa kuwo laga filayay Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa. Labadaa arrimood waxay ahaayeen in guusha doorasha ka dib kooxdaa caanka noqotay lagala xisaabtami doono dhaqaalihii malaayiinka dollar ahaa ee xiligii Ololaha doorashada kaanbaynka oo la rumaysan yahay inay kiishash ku shubteen kooxdaa ay ka sheekaynayaa.
Sidoo kale waxa la filayay in aanay cid ku abtirsata kooxdaasi ka mid noqonayn xukuumadda Madaxweynaha Cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo soo dhisayo guusha ka dib, isla markaana aanay cid ka tirsan kooxdaa macaan jecel kasoo jeesanayn Madaxtooyada, maadaama qorshaha Madaxweyne Siilanyo xudun u hayd inuu sameeyo nidaam dawli ah oo ka fayaw musuq-maasuq iyo wax kasta oo maamulkii hore lagaga cabanayay ama lagu caayay uu ka fogaado. Lasoco qaybo kale oo lagaga hadlayo kooxdaa iyo magacyada hogaamiyihooda.
By, Arraale M. Jama
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com