Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa shaqada ka eryey 8 qof oo shaqaale ka ahaa Maxkamaddaha
Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, isla markana waxa digniino la siiyay ku dhowaad tobaneeyo shaqaale ah, iyadoo 10 qof oo ka mid ah shaqaalaha la gudoonsiiyay Abaalmarino ay ku mutaysteen waajibaadkooda shaqo oo ay guteen.
Kulan Maanta ka dhacay Hoolka shirarka ee Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex oo ujeedadiisu ahayd in lagu kala saaro shaqaalaha hawlwadeenada Maxkamaddaha Hoose ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, Guddomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamed Maxamuud ( Duraan) iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Faysal C/llaahi Ismaaciil.
Sidoo kale shaqaalaha ka hawlgala Maxkamaddaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex ee Kaaliyayaashu kasoo xaadireen.
Kulankaa oo ujeedadiisu ahayd in lagu kala saaro shaqaalaha oo la hordhigo natiijada qiimayn lagu sameeyay dhowaan sidaana waxa hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa Garsoore Faysal C/llaahi Ismaaciil (Faysal Dhaga-Dhago) , ayaa shaqaalaha digniinaha la siiyay u rajeeyay in haddii ay dedaalaan la siin doono iyagana abaalmarin, haddii ay dedaali waayana ay mari doonaan wadadii ay mareen saxiibadood kuwa shaqada laga eryay.
Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud ( C/rashiid Duraan), oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa sheegay in hawshani ahayd in la kala saaro shaqaalaha, isla markaana kuwa dadaalaya dhiiri galin la siiyo, kuwa aan shaqada sida tooska ah u gudana digniin la siiyo, kuwa la eryeyna ay ku cimra qaataan, wuxuuna Garsoore Duraan u mahad naqay shaqaalaha Maxkamaddaha Hoose, kuwaas oo uu dhiirigaliyey inay hawlohooda halkaa ka sii wadaan oo sii kordhiyaan dedaalka ay abaalmarinta ku mutaysteen.
Geba-gebadii Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ku booriyay shaqaalaha hawlwadeenada Kaaliyayaasha ka hawlagala Maxkamaddaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex inay ilaashadaan shaqadooda oo mar walba sidaa loo qiimayn doono, isagoo xusay in ay ka werhayaan wasaarad ahaan oo loo soo gudbiyo wixii dembi ah ee uu qofka shaqaalaha ahi sameeyo. Sidaa awgeed ay digtoonaadaan , wuxuuna Wasiir Caydiid u sheegay shaqaalaha digniinta la siiyay in ay tahay tii ugu dembsay.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa gudoonsiiyay 10 ka mid ah shaqaalaha Maxkamaddaha Hoose ee Maroodi-jeex Abaaalmarintaa oo ahayd shahaado sharaf ay ku mutaysteen gudashada waajibaadkooda shaqo.
Magacyada Kaaliyayaasha la siiyay Abaalmarinta
1- Maxamed Maxamuud Xirsi Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodi-jeex.
2- C/llaahi Muuse Axmed Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa Maroodijeex.
3- Werda Maxamed Cilmi Kaaliye Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.
4- Fahad Maxamud Haaruun Kaaliye Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.
5- Cibaado Cilmi Sulub Kaaliye Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.
6- Khadar Jaamac Kiin Kaaliye Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.
7- Siciid Maxamed Ibraahim Kaaliye Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa Maroodi-jeex.
8- Khadra Xasan Nuux Kaaliye Maxkamadda Degmada Hargeysa.
9- Rooda Ibraahim Jaamac Kaaliye Maxkamadda Degmada Hargeysa.
10- C/llaahi Axmed Xasan Maxkamadda Degmada Hargeysa.